Hargeysa (Baraarugtv.com/-WAR-SAXAAFADEED.
Fadhigii Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland Oo lagu Ansixiyey Oddoroska Miisaaniyadda.-
Fadhigii 006aad ee shirka golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ee uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo wehelinaayo Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada JSL.
Ajandaha maanta la horkeenay Golaha Wasiirrada ayaa keliya ku koobnaa soo jeedinta Oddoroska Miisaaniyadda Qaranka ee Sannadka 2025-ka.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa Golaha Wasiirrada ka horjeediyey faah-faahin la xidhiidha qaab-dhismeedka Miisaaniyada 2025-ka.
Miisaaniyadda Sannadka 2025-ka waxay ka kooban tahay Afar Qaybood oo kala ah:
1. Miisaaniyadda Dawladda Dhexe
2. Miisaaniyadda Hay’addaha Madaxa-bannaan
3. Miisaaniyadda Dawladaha Hoose iyo
4. Mashaariicda ay Qaadhaan Bixiyeyaashu inagu caawiyaan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu Golaha Wasiirrada u sheegay in Wasaaradda Maaliyada gacan laga siiyo Ururinta Cashuuraha iyo Kobcinta dakhliga Dalkeena, Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu Golaha Wasiirrada u sheegay in Wasaarad kasta iyo Hay’ad kasta oo ka mid ah Hay’adaha Qaranka oo iyagu qabta Dakhli, la farayo in ay si toosa Dakhligaa ugu wareejiyaan Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dalka.
Dood iyo falan-qayn dheer oo la xidhiidha Oddoroska Miisaaniyadda 2025ka ka bacdi Madaxweynuhu waxa uu Golaha Wasiirrada u soo jeediyey in loo Codeeyo soo jeedinta Oddoroska Miisaaniyada Sannadka 2025-ka.
Fadhigii Golaha Wasiirrada oo ay fadhiyeen 43 Xubnood, waxay dhammaantood si kalsooni leh ugu codeeyeen Ansixinta Oddoroska Miisaaniyadda 2025-ka, iyadoo aanay cidina diidin, cidina ka aamusin.
Intaa, Oddoroska Miisaaniyadda 2025-ka Waxa loo gudbin doono Golaha Wakiilladda Jamhuuriyadda Somaliland si ay uga gutaan waajibaadkooda Sharci.
ALLAA MAHA DLEH
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.
PRESS RELEASE
Somaliland Cabinet Approves the 2025 Budget Proposal
Hargeisa – January 16, 2025 – The 6th meeting of the Cabinet of the Unity and Progress Government, chaired by the President of the Republic of Somaliland, H.E. Abdirahman Mohamed Abdillahi (Irro), and attended by the Vice President, H.E. Mohamed Ali Aw Abdi, was held today at the Presidential Palace in Hargeisa.
The sole agenda for the meeting was the presentation and discussion of the 2025 National Budget Proposal.
The Minister of Finance and Economic Development provided the Cabinet with a detailed breakdown of the proposed 2025 budget structure, which is divided into four main components:
1. Central Government Budget
2. Budgets of Independent Agencies
3. Local Government Budgets
4. Donor-Funded Development Projects
During the meeting, President Abdirahman emphasized the importance of supporting the Ministry of Finance in enhancing tax collection and boosting national revenue. He further directed all revenue-generating ministries and national agencies to transfer their revenues directly to the Ministry of Finance and Economic Development to ensure efficiency and transparency.
Following an in-depth discussion and analysis of the budget proposal, the President called on the Cabinet to vote.
All 43 Cabinet members in attendance unanimously approved the 2025 National Budget Proposal, with no objections or abstentions.
The approved budget will now be submitted to the House of Representatives of the Republic of Somaliland for further legislative review and final approval.
Hussein Aden Egeh (Deyr)
Spokesman for the President of
Republic of Somaliland