Kubra X.Xassan Oo Wasiir Maxamed Kaahin Cago-cadaan Dhex-eryatey Suuqa Magaalada Burco

0
82

Balidhiig,(Baraarugtv.com)-Kubra Xaaji Xassan Maxamuud,oo sannadihii u dambeeyay joogtay cariga dalka Ingiriiska,ayaa ku soo guryo noqotay dalka Somaliland.Isla markaana Kubra Xaaji Xassan oo ka tirsan Madaxda Sarsare ee Xisbiga Waddani,ayaa markii ay cagaha soo dhigtay gudaha magaalada Burco, degdeg safar ugu baxday deegaanadda hawdka ee Gobolka Togdheer.
Kubra Xaji Xasan ayaa kulamo kala duwan la yeelatey bulshada ku dhaqan magaaloiyinka Waracibraan,Shinshacade,Taalabuur,Dhagaxdheer,Dheryaley iyo Degmadda Ballidhiig.Balse Kubra Xaaji Xassan,ayaa kala wareegtay shacabkii beesha Reer Daahir gaar ahaan reer Yuusuf,dhirbaaxo kuluulna ku dhufatey Wasiir Maxamed Kaahin Axmed,oo kaba la,aan kaga Carrarey suuqa Daahirow isdhageyso ee magaalada Burco.
‘Asalaamu-calaykub, dhamaan umadda muslimiinta ah meel kasta oo aad joogtaan.
Dhawaan ayaan safar dalka dibadiisa kaga soo noqday,anigoo ku soo guryo noqday dalkaygii Somaliland oo muddo sannado ah ka maqnaa.waxaan safar aan ugu kuurgalayey xaalada nololeed ee shacabka Gobolka Togdheer iyo hawlaha dardar-galinta xisbiga waddani, taasoo aan gaadhay,kormeerna ku tegay magaalooyinka,Waracibraan,Shinshacade,Taalabuur,Dhagaxdheer,Dheryaley,Coodale iyo Degmadda Ballidhiig. degmada Balidhiig,waa goobtii aan ka soo jeeday balidhiig.waxaan ku sugnaa ilaa saddex maalmood (3 maalmood).waxaan la kulmay odayaasha, wax garadka, haweenka iyo dhalinyarada dhamaan magaalooyinkaas ku nool.waxaan shir la qaatey shacabka ku dhaqan,gaar ahaan dhalinyarada rag iyo hablaba degmada balidhiig.runtii dadka aan la kulmayey intii aan socdaalka ku marayey magaalooyinkaas waxay ii sheegayeen dareenka shucuurtooda oo ah inay u ooman yihiin,loona baahab yahey xaalka dalku marayo maanta in is badel waddanka ka dhaco lagama-maarman tahey. Guul ayaan u rajaynayaa shacabka reer somaliland”.Sidaa waxa tidhi Kubra Xaaji Xassan Maxamuud oo qoraalkan u soo dirtay iimeelka shabakada baraatugtv.com
Emial÷caarshe7@hotmail.com or baraarugnews@gmail.com