Komishanka Doorashooyinka somaliland oo maanta la kulmayooda kulan kulmay Dallada SONSAF.

0
39

Hargeysa(Baraarugtv.com)-Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa maanta xaruntooda kulan kula yeeshay ururrada bulshada rayidka ah oo ay hogaaminayso Dallada SONSAF.

KDQ ayaa si faahfaahsan uga warbixiyey halka ay marayaan hawlaha diyaar-garowga doorashooyinka Somaliland, oo haatan maraya heer gebogebo ah.

Xubnaha Ururrada Bulshada ayaa uga mahadnaqay KDQ dadaalka ay ku bixinayaan diyaar-garowga doorashooyinka. Dhanka kale waxay balanqaadeen innay kala shaqeeyaan hawlaha doorashada, gaar ahaan wacyigalinta bulshada ee ee ilaalinta nabad-galiyada iyo xasiloonada guud iyo xuquuada Codbixinta.