Muqdisho,(baraarugtv.com)-Dawladda Sooomaaliya oo dhanbaal u dirtay beesha Caalamka ayaa dalka Itoobiya ku eedaysay in ay iyadu ka dambaysay hubkii dhowaan lagu qabsaday magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.
Soomaaliya ayaa dhiggeeda Itoobiya ugu baaqday in ay joojiso hubka sharci darrada ah ee ay soo gelinayso gudaha Soomaaliya.
Hubkii dhowaan laga qabsaday Caabudwaaq ayaa sababay in cadaadis badan la saaro xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud taas oo lagu eedeeyey in ay xakamayn kari wayday qulqulka hubka sharci darrada ah.