“Jabhaddii SNM,Magaceedii Iyo Tariikhdeedii Waxa kufsaday Karnayladda Muuse Biixi iyo maxamed kaahin…”

0
132

Hargeysa,(Baraarugtv.com)-“Doorasho ayaa la galayaa waxaana la wadaa farsamadii mar kale loo soo celin lahaa Muusaha imika jooga
1. Buunbuuninta Xisbi aan dan laga lahayn oo la yidhaahdo waa loo codaynaya iyadoo looga jeedo in codka Waddani lagu kala jeexo
2. Citiraafka aynu baahida wayn u qabno, balse ku xidhan Somaliland oo dhexdeeda laga helo midnimo, dawalad wanaag, dimuquraadiyad iyo calaamka oo la tuso in diyaar loo yahay Dawladnimo la rabo in dadka lagu kufsudo lana yidhaahdo albaabka ayuu garaacaya taas oo been iyo probagando!!! Citiraafku waa Citiraaf ee ma aha Calancas

3. Shaambada Xamar oo la buunbuuniyo lana soo sameeyo sawiro, qoraalo, dad Koonfur jooga oo la yidhaahdo sheegta Waddani iyadoo lagu isticimaalayo lacagta la xado ee cashuur bixiyayasha
4. Ciidamadii jabay ee la ogaa maalintii la jabiyay oo ahayd maalintii 1000 nin hubaysan loo soo dayaayay dalka gudihiisa, la ogaa Godkii lagu ururiyay 8 Bilood, la ogaa sidii dhaqaalahooda oo loo musuqay, la ogaa amaradii qaladanaa ee la siiyay, la ogaa in lagu amray xasuuqa Gobal Somaliland ka mid ah, oo si indha cadaysa loogu shaambadeeyo waxaa jabiyay Waddani.

5. Dadka oo lagu indha sarcaadiyo SNM.ta magaceedii iyo taariikheedii la kufsaday oo la yidhaahdo waa la soo dhintay iyadoo cidii u soo dhimatay lagu sheegayo dad nool oo aan weligood xabad ridin.Waxaas oo dhan ayaa la soo wadaa oo imikaba hordhicii la sii matalayaa waa in laga feejignaado, waa in umada lala hadlo.
Waa in loo sheego in ay nimankani yihiin Nimanka dalka iyo dadka dhigay goobta xun ee ay yaalaan!!
Waa in umada loo sheego in loo baahan yahay in la badalo Calancasta gabowday ee fashilantay.

Alla Mahad leh
Osman Omar Dool
Xidhiidhiyaha Qaaradaha Galbeedka Yurub iyo Waqooyiga America ee Xisbiga Waddani.
Oslo Norway