Weerar iyo Hub Culus oo lagu Garaacey Safaaradii Itoobiya

0
284

Itoobiya'(baraarugtv.com)-

Sida uu Warbaahinta u xaqiijiyey safiirka Itoobiya u fadhiya Suudaan, Yibeltal Ayimiro Alemu, Safaaradda Itoobiya ee magaalada Khrtuum ku taal ayaa hub culus lagu weeraray saaka.

Sida uu sheegay danjire Yibeltal, ma jiro wax khasaara nafeed ah balse dhismaha Safaaradda ayaa qayb ahaan burburay.

Waxa uu sheegay in ay qiimeynayaan inta uu dhanyahay burburku. Balse wuxuu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo weerarka.

Xoogaga Taageerada Degdegga ah ee Suudaan (RSF) ee uu hoggaamiyo General Mohammed Hamdan Dagalo, oo la dagaallamayay Ciidamada Militariga Suudaan tan iyo 15-kii Abriil, 2023, ayaa weerarka ku eedeeyay ciidammada difaaca qaranka ee dalkaas.

RSF waxay ku soo qortay boggeeda X [Twitter] iyagoo leh, “Anaga, oo ah (RSF), waxaan cambaareyneynaa falalkan oo kale, ciidamada al-Burhanna waxay sii wadaan beegsiga xarumaha caalamiga ah iyo diblomaasiyiinta,” ayay bartooda X soo dhigeen qoraal Carabi ah.Dowladda Suudaan ayaan ka hadlin weerarrada lagu eedeeyay iyaga ee xarumaha dublamaasiyiinta.