:
Hargeysa (Baraarugtv.com)-Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Kenya Ambassador Maxamed Cabdillaahi Cumar ayaa sheegay In Somaliland ahayd dalkii u horeeyay ee Soomaaliyeed ee gobonimadiisa qaatay 26-kii bishii June 1960-kii.
Maqaal uu safiirka Somaliland ee dalka Kenya ku faafiyey Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa magaalada Nairobi oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, ayuu ku xusay in maanta oo kale 65 sanno ka hor ay shacabka Somaliland calan xor ah ka taageen magaalada Hargeysa oo ah halkii ay ka dhalatay jamhuuriyadii ugu horaysay ee xornimada ka hannatay Boqortooyada Ingiriiska isla markaana ay aqoonsadeen in ka badan 30 waddan.
Safiirku wuxuu sheegay in markii ay gobonimada qaadatay Somaliland in dalalka Kenya iyo Soomaaliya ay ku hoos jireen maamulkii gumaysiga, waxaa kale oo uu iftiimiyay afar cisho kadib dharaartaas ay Somaliland is raac la gashay Soomaaliyada koonfureed kadib markii ay 1-dii bishii July 1960kii xoriyada ka qaateen gumaystihii Talyaaniga.
Ambassador Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa ujeeddada israacaas ku tilmaamay mid lagu raadinayay Midowga shanta Soomaaliyeed si loo abuuro jamhuuriyad weyn oo Somaliyeed kana dhalata Geeska Afrika, hasa yeeshee waxay taariikhdu caddaysay ayuu yidhi in aan Hadafkaas la gaadhi karin.
Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Kenya waxa uu qoraalkan ku sheegay in halgan dheer kadib ay Jamhuuriyadda Somaliland dib ula soo noqotay qaranimadeedii isla markaana ay muujisay dulqaad la yaab leh, safiirka ayaa xusay in Soddonkii sano ee la soo dhaafay ay Somaliland ka hirgaleen guulo lagu soo hirto oo aan ka dhicin gobolka.
Ambassador Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa hoosta ka xariiqay in Jamhuuriyadda Somaliland ay taabo gelisay dib u heshiisiin qaran oo loo dhamaa iyadoo taasi saamaxday in nabadgelyada gunta laga soo unko lana sameeyay hannaan dawladeed iyo doorashooyin dimuqraadiyada.
Warbaahinta Baraarugnews
Radio Baraarug.com