Xukumadda Somaliland Oo War Ka Soo Saartay Arrinta Joy Issa

0
869

Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in ay baadhistaan ku samaynayso tuhunnada ka taagan Jaamacadda Barwaaqo iyo Iskuulka Abaarso.
Siyaasiyiin Fagaare isku waydaarsaday hadallo weerar iyo difaaca Oo Ku Aaddan Jaamacadda Barwaaqo/Abaarso
War-saxaafaddeed ka soo baxay Wasaaradda Diinta iyo awqaafta ayaa lagu yidhi, sidan
“Sida aad la wada socotaan, waxaa maalmahan soo baxaya tuhunno la xidhiidha Jaamacadda Barwaaqo iyo Iskuulka Abaarso , iyada oo la sheegayo in maamulaha Jaamacaddaasi ay tahay Baadariyad faafinaysa Diinta Kiristanka.
Xil Kucaddeeye iyo Xil Siciid Sokeeye Oo Ka Hadlay Arrinta Joy Issa iyo Coldoon
Haddaba, Wasaaradda Diinta iyo Awaaafta oo kaashanaysa Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, waxa ay baadhayaan oo ay gacanta ku hayaan tuhunnadaasi soo baxaya. Sidaa daraadeed, dadweynaha waxaa laga codsanayaa in ay dhawraan natiijada baadhitaanka ee arrintani.”

Allaa mahad leh.
Joy Isa Oo Somaliland iskaga baxday