Xogo dheeraad ah÷Afduub gaadhi oo ka dhacay Somaliland &Shirkadda Yaasmiin oo shaqaalaheedii lagu guray CID-da

0
295

Ceerigaabo,(baraarugtv.com)-Xogta gaadhiga lagu dhacay wadada u dhaxaysa Burco-Ceerigaabo:

Gaadhi uu watay Shanlayste Axmed Ismaaciil Gorse oo waligii jidkaas ka shaqaysan jiray oo rikaab u wada Ceerigaabo ayaa koox shufto ah u istaageen ina Afmadoobe meel u dhaw.Gaadhiga waxa saarna Shan dumar ah iyo afar rag ah oo Dareewalku ku jiro.Rikaabkii ayey gaadhiga ka dajiyeen kadibna waxay hore usii wateen dareewalkii iyo laba nin oo kale iyo gaadhigoo alaabtii ku raran tahay.Markay meel dhexe sii socdeen ayey dajiyeen dareewalkii iyo labadii nin oo kale,gaadhigii iyo alaabtii ayeyna hore usii wateen.Hadda meel dhexe ayey joogan Rikaabkii oo dib isu urursaday,dhibaato intaas ka baxsan ma haleelin.Sidoo kale Shirkadii Yasmiin ee Hargeysa oo laftigeeda ay leeyihiin reer Sanaag shaqaalaheedi qayb kamida ayaa loo taxaabay xarunta CID da ee Soomaaliland.

Qoray Maxamed ceerigaabo