Xog sir ah÷Ma Waxa laga dhigayaa Madaxweynaha Khaatuma,mise Murashaxa Madaxweyne ku-xigeenka Puntland?

0
446

Hargeysa,(baraarugtv.com)-Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif,ayaa qorshe uu doonayo jagadii uu ku hogaamin lahaa dagaalka beeshiisa ee gobolka Sool ee bariga Somaliland.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahey, kana ag-dhaw Guddoomiyihii hore ee Golaha wakiilada Cabdirisaaq Khaliif,ayaa u sheegay warbaahinta BaraarugTv.com in Cabdirisaaq khaliif wado abaabul uu doonayo in laga dhigo Madaxweynaha khaatumo ama ujeedada uu isu-casilay ee ka dambaysa ay tahey madaxweyne kuxigeenka puntland ,isla markaana qaar ka mid ah bulshada ku sugan gudaha laascaanood ayaa xusay in bishii hore May aynu soo dhaafnay shir duceedyo hoose oo isugu yimaadeen Garaadada,Guddida saddex iyo sodonka xubnood iyo Cabdirisaaq khaliif,kulankaa oo kaga tashadeen sidii loo samayn lahaa dhismaha madaxweyne iyo kuxigeenkiisii maamul khaatumo ah oo leh Gole wasiiro iyo Baarlamaan.

Ilo-wareedyada ayaa tibaaxay in Cabdirisaaq khaliif,garaadada iyo 33-ka guddiga ay isla qaateen in Cabdirisaaq khaliif laga dhigo madaxweynaha khaatumo ee Gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn,halka caqabada ugu weyn ee ka hortimi ay tahey madaxweyne kuxigeenka oo beesha Warsangeli ah,siddii loogu qancin lahaa madaama ay wataan maamul AH Maakhir.balse xogahaa ayaa xusay in beesha Warsangeli aanet ogolayn, oo markii beesha dhulbahante hore u samasay SSC iyo khaatumo ayey beesha warsangali iyaguna samaysteen maakhir. Xogaha ayaa intaa ku daraaya in qorshaha labaad ee Cabdirisaaq khaliif tahey innuu noqdo Madaxweyne kuxigeen maamul goboleedka soomaaliya ee Puntland.

Geesta kale,Garaadada beesha dhulbahante oo weheliyaan Isimo ka soo jeeda beesha daarood ayaa la sheegay , socdaalkooda magaalada Nayroobi ee kiiniya ay tahey siddii xubno sitaasiyiinta beesha Warsangeli ee maamulka maakhir lagu qancin lah inay ka tagaan,meeshana ka saraan maakhirtooda beesha Warsangeli.warbaahinta baraarugtv.com oo la xidhiidhay qaar ka mid ah xubno maakhir iyo xildhibaanadii golihii hore oo magacooda ka cudur daartey in magacooda sheegno ayaa yidhi” Anagu ma aqbaleynO Arrinka garaadada, Cabdirisaaq khaliif iyo Isimada beesha daarood wataan.anagu waxaanu leenahey maakhir,laakiin ma nihin khaatumada ay iyagu wataan.wariye waxaa waa la sheegayey,laakiin ma doonayno inaan ka hadalno immika.laakiin anagu waxaanu maqalnay in Guddoomiyihii hore ee golaha wakiilada somaliland Cabdirisaaq khaliif doonaayo madaxweynaha khaatumo”.

email÷baraarugnews@gmail.com or caarshe7@hotmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here