Xog Ku Saabsan Kulan Xasaasi ah Oo Dhexmaray Madaxweyne Biixi Iyo Musharraxiintii Beelaha Arab

Kulankan ayaa gilgilay xidhiidhka madaxweyne Biixi iyo masuuliyiinta xukumadda ugu jiray beelaha Arab, islamarkaana shaki ka dhex abuuray.

0
2051

Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan gaar ah la qaatay Musharraxiintii Beelaha Arab uga qayb galay doorashadii Wakiillada iyo deegaannada oo muddooyinkii u dambeeyay ku hawlanaa dhaqdhaqaaq ay wada hadal kula furaan Madaxweyne Biixi.

Madaxweyne Biixi ayaa gurigiisa ku qaabilay galinkii dambe ee Salaasada musharraxiinta oo ay hoggaaminayaan Eng Cabdiqaadir Iimaan guddoomiyihii hore ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Dr Ciise Kayd.

Xogo Mareegta Sayruuqnews ka heshay kulanka Musharraxiinta iyo Mudane Biixi ayaa sheegay in Xubnahani madaxweyne Biixi kala hadleen arrimo guud oo ku saabsan baahiyaha deegaannada ay ka soo jeedaan. Waxa ay Mudane Biixi u sheegeen in aanu muddadii xileedkiisa dhammaadka ku dhaw ka soo bixin ballamihii deegannadooda oo ay ka mid ahayd ballanqaadkiisii ololaha ee dhismaha waddada Balligubadle, in aanu xilal mac ka siin beesha xukuumaddiisa iyo in ay ka arradan yihiin mashaariicda horumarinta.
Saami Qaybsiga Beelaha Ee 100 Digreeto Oo Ka Soo Baxay Xafiiska Madaxweyne Biixi
Madaxweyne Biixi ayaa arrimaha ay taxeen xubnahani madaxa u gundhiyay islamarkaana u sheegay in uu ka garaabayo arrimahaas, islamarkaana hadda Beesha u soo wado xilal buuran oo ku aaddan wasaaradaha waaweyn qaarkood, islamarkaana uu dareensan yahay in aanay beeshu u qalmayn mansabyada ay ka haysay xukumadihii kala dambeeyay oo la tilmaamay in uu carrabka ku dhuftay wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.
Beesha Arab “Saamigii Xukuumadda aanu Ku Lahayn Waa Nalaga Sifeeyay”

Kulanka oo Shaki galiyay Masuuliyiinta Beesha Arab ee Xukumadda
Kulankan ayaa gilgilay xidhiidhka madaxweyne Biixi iyo masuuliyiinta xukumadda ugu jiray beelaha Arab, islamarkaana shaki ka dhex abuuray.

Wasiirrada Xukumadda ee Beelaha Arab, masuuliyiinta hay’adaha iyo xildhibaanka kaliya ee Beesha ku metela Golaha Wakiillada ayaa la sheegay in ay la kulmeen Madaxweyne Biixi intii aanu kulanku qabsoomin islamarkaana u sheegeen in uu laba mid sameeyo:

  1. In uu joojiyo kulanka uu la qaadanayo Musharraxiinta doorashadii ku guuldarraystay ee haddana aan ogolayn in ay madaxweynaha u soo maraan madaxda beesha ugu jirta xukumadda iyo xisbigeeda Kulmiye;
  2. In uu dhiniciisa ka ogolaado in ay madaxda beesha ee Xukumadda iyo Xisbiga Kulmiye goob joog ahaadaan Kulanka maaddaama musharraxiintu dhankooda diidan yihiin in ay iyaga soo maraan.

Hase ahaatee madaxweyne Biixi ayaa labadaas soo jeedimood ba ganafka ku dhuftay islamarkaana u sheegay in aanu baajin karin ballanta uu u qaaday musharraxiinta kana qayb galin karin kulanka maaddaama ay sidaas diidan yihiin xubnaha uu la kulmayo ee isugu jira musharraxiintii Beesha ee dhammaan xisbiyada kala duwan ka tartamay.
Ugaas Axmed Cali Mahdi Oo Ka Hadlay Shirka Beelaha Garxajis
Ma cadda in madaxweyne Biixi kulankan u jeedo gaar ah ka lahaa islamarkaana tusayay xubnaha beeshan ee xukumaddiisa in aanu u daba fadhiisanayn danihiisa deegaankooda sida oo kale ma cadda in uu xubnahan arrimaha uu la qaatay fulin doono ama isku shaandhaynta uu samayn doono xilal uga magacaabi doono xukumaddiisa.

Codsigii Cajiibka Ahaa Ee Reer Baligubadle Iyo Madaxweyne Muuse!!

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here