Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Oo Sheegay Arrin Halis Iyo Khatar Ku Ah Jiritaanka Dawlad-nimada Somaliland

0
335

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa arrin halis iyo khatar ku ah dawladnimada Somaliland Ku Eeddeeyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Waddani Axmed Cumar X. Cabdillaahi Xamarje oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargesa,ayaa yidhi sidan.

“Ciidan beeleed abaabulan oo Madaxweynaha Muuse Biixi iyo ciyaalkiisu ay adeegsadaan ayaa, aniga iskuday dil igu sameeyay, gaadhiga ayaa gaadhiga laygaga dhuftay, iyada oo laygu talogalay in shil gaadhi laygu dilo”.
Guddoomiye Xamarje wuxuu intaa ku sii daray oo uu yidhi. “Tii markay dhici wayday, markii gaadhiga gaadhiga laygaga dhuftay waxa laygu yeedhay hay’addii socdaalka wadooyinka, xageediiba la ii lama leexane nin muraad kale loo lahaa ayaan ahaaye sidii ayaa laygu geeyay CID-da … maxkamada ayaa la i geeyo waxa laygu yidhi waxad sidatay bastoolad”.

Hadalkan Guddoomiye Xamarji ayaa ku soo beegmaaya xilli Maxkamada Degmada Hargaysa, xabsiga ka siidaysay maalintii Sabtida kadib markii uu iibsaday laba bilood oo xabsiga oo maxkamadu ku xukuntay, kadib markii lagu helay in uu sitay bastoolad aan sharciyaysnayn. Emial:-Xafiiska Guud ee Warbaahinta Baraarugnews.net Emial:-baraarugnews@gmail.com or caarshe7@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here