Weriye Cabdifataax Ismaaciil Caarshe, oo ciidanka Nabadgelyada Somaliland ku xidheen magaalada Hargeysa

0
411
BERBERA: AGAASIME GURXAN OO U KUURGALAY KOR-U-QAADIDA DAKHLI URURINTA CASHUURAHA

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Weriye Cabdifataax Ismaaciil Caarshe, ayaa maanta lagu xidhay magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, ka dib markii ay isagoo wax ka duubaya badhtamaha Suuqa Hargeysa ay qabteen Askar ka tirsan Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka.

Sidaa waxa  shabakada Wararka ee Hayaannews u xaqiijiyay Weriye Cabdifataax Ismaaciil Caarshe oo nala soo xidhiidhay

Weriye Cfataax Caarshe oo ka Shaqeeya Shabakadda wararka ee www.Baraarugnews.net, ayaa imika ku xidhan Taliska Ciidanka Taraafikada ee magaalada Hargeysa, isaga oo qaba Jugo uu u geystay Askari ka mid ah Taraafikada.

“Waxa I xanuunaya margiyada oo way I garaaceen Ciidamada Waddooyinku aniga shaqadeyda gudanayaa oo jugo baddan ayaan qabaa jidhka oodhan wuu I xanuunayaa….”Ayuu yidhi Suxufi  Cabdifataax Ismaaciil Caarshe oo khadla Telefoonka ugu waramayay Shabakada Wararka Hayaannews isaga oo xidhan.

Ururka Warbaahinta Online-ka Somaliland ee Somaliland Online Media Association ee SOMA waxa uu cambaareynayaa Xadhiga Suxufi Cabdifataax Ismaaciil Caarshe oo la xidhay isaga oo shaqadiisa gunayaa, isla markaana waxa uu ugu baaqaya Ciidamada Waddooyinka Somaliland ee Taraafiga inay si degdega xorriyadiisa ugu soo celiyaan.

Muddadii uu xilka hayay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa soo noqnoqonayay Xidhiga sharci-darada ah ee lagula kacayo Suxufiyiinta iyo hal-abuurka Somaliland sidaa daradeed Ururka SOMA waxa uu ugu baaqayaa Xukuumadda Somaliland inay ka waantowdo xadhiga iyo cabudhinta xorriyatul qowlka oo ay Somaliland ku soo caano maashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here