Wefti beesha caalamka oo Muuse Biixi iyo ururadda siyaasada maxay ka wada-hadleen?

0
174

(Somaliland)- wefti ka socda beesha caalamka,ayaa kulan la qaatey .Madaxweyne muuse Biixi ,isla markaana  Waxaa shalay magaalada Hargeisa kula kulmay qaar ka mid ah ururadii cusbaa ee dhawaan soo baxay, Waftigii beesha caalamka ee ayaamahan ku sugnayd magaalada Hargeysa. Gaar ahaan safiirka u qaabilsan Denmark; Somalia Mr. Steen Sonne Anderson iyo kuxigeenkiisa Gertrud Norbjerg Birk oo ay weheliyaan madaxa xafiiska Hargaysa, Mathias Daniel.   Dhanka ururadana waxaa ka socday gudoomiyayaasha afarta urur ee Waabari Mr. C/Risaaq Ataash, Barwaaqo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Hilaac Prof Axmed Ismaaciil Samatar iyo gudoomiyaha ururka Kaah Maxamuud Xaashi Cabdi. Wararka kale ee aanu helayno ayaa sheegaya in dhawaan dalka ay ku soo fool leeyihiin wufuud caalami ah oo ka socda dalka Maraykanka iyo Midowga Yurub kuwaas oo iyaguna balamo rasmi ah u sameeyey xukuumada, xisbiyada qaranka iyo ururada siyaasada ee cusub. Waxaa xusid mudan in waftigani oo hore ula soo kulmay madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo labada xisbi mucaarad.  Baraarugnews.net

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here