“Waxaannu galabta ka daahfurnay Gobolka Saaxil. horyaalka Ciyaaraha kooxaha 22 Gobol Ayaa”

0
102

Berbera,(Baraarugtv com)-Mareeyaha dekedaha Somaliland Siciid Xassan Cabdillashi,ayaa sheegay in galabta ay  daahfureen tartanka kubada cagta ee Gobolada oo ay marti-galinayso magaalo madaxda Gobolka Saaxil ee magaalada Berbera.

“Waxaannu galabta ka daahfurnay Magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil. horyaalka ciyaaraha ee horyaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, kaasoo ay ka qeyb gelayaan 22 kooxood oo ka kala socda guud ahaan Goboladda Dalka Somaliland.”

Geesta kale, Madaxweyne kuxigeenka Cabdiraxmaan Saylac iyo xubno Wasiiro ayaa ka qayb-galey furitaanka ciyaaraha gobolada ee saaxil,isla markaana waxa martigelinaysa magaalada Berbera ee Magaalo madaxda Gobolka Saaxil.