“Waxaan Halkan Hambalyo Uga Dirayaa Guud Ahaan Shacabka reer Somaliland”

0
167

Berbera,(BaraarugTV.com)-“Hambalyo Munaasibadda Ciidul-fidriga- 10/04/2024.

Waxaan halkan dhambaal hambalyo ah uga dirayaa Madaxweynaha JSL, Mudane Muuse Biixi Cabdi, Madaxweyne ku-xigeenka JSL, Mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil, Golaha Wasiiradda Xukuumadda JSL, Taliyayaasha Ciidamada Kala duwan ee Qaranka JSL, Golayaasha Qaranka JSL iyo Shacabka reer Somaliland, gaar ahaan Shaqaalaha Dekedda Berbera iyo kuwa Dekedaha JSL, Munaasibadda ciidal-fidriga awgeed.
Waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu innaga aqbalo soonkii iyo cibaadadii aynu bishii Ramadaan soo gudannay, Ilaahay dambi-dhaaf haynnooga dhigo acmaashii Wanaagsanayd ee aynu soo qabanay bishii Barakaysnayd ee Ramadaan.

Rabbi sannadkan sannadkiisa iyo Bishan Bisheeda ha-innagu gaadhsiiyo barwaaqo, Nabad iyo badhaadhe.

تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال، وأدام عليكم الصحة والعافية”sidaa ayuu yidhi mareeyaha dekedaha dalka somaliland eng.Siciid Xassan Cabdillaahi