“Waxa aanu khadka telefonka isku helnay Maxmuud Xaashi Cabdi ururka Kaah”

0
118

“Maxamuud Xaashi, waxa uu ahaa shaqsigii igu dhiiri galiey in aan taaageero xeerkaas (Doorashooyinka)”

WQ. Xildhibaan Jamaal Aadan Diiriye

Hargeysa,(Baraarugtv.com)-“Deganaan iyo is qancin ayaa keeni kara guul siyaasadeed, Afxumadu nabad way kaa kaxeysaa colaadna waxba kaagama tarto.

Manta 18/Feb/2024 waxa ay golaha wakiilada cod aqlabiyad ah ku meel mariyeen xeerarkii doorashooyinka isa saarka ahaa ee hore loogu heshiiyey.

Guusha uu xeerka kaasi ku gaadhay tirada golaha ee ah 2/3 waxa keenay 5Xildhibaan oo xalay ilaahay waafajiyey in ay shir isagu yimadaan go,aana ay ku gaadhaan in ay codkooda maanta halkaas mariyaan maadama oo hore loogu heshiiyey xeerkaasi .

Waxa kale oo aan qirayaa kaalintii uu ku lahaa Guddoomiye Maxamuud xaashi in uu guuleysto xeerkaasi , waa hogaamiye karti badan , aniga oo markii horeba qaatay go,aanka ah in xeerkaas meel mariyo hadana waxa uu ahaa shakhsigii igu dhiiri galiey in aan taaageero xeerkaas.

11 subaxnimo 17 Feb waxa aanu khadka telefonka isku helnay hogaamiye Maxmuud Xaashi Cabdi , waxa uu iga codsaday in aan xeerka taagero , waxa aan u ballan qaaday in aanan cod kaliya uun u keeni doonin ee aan
Kala shaqayn doono sidii uu xeerkaasi ugu gudbi lahaa tiradii ugu badnayd ballan qaadkaas oo ilaahay igu asturay .
Waxa aan ku guulaystay in aan u keeno codkay mooye codad badan oo kale oo aanu xeerkaasi la,aantood heerkaas gaadheen .

Halka rag aanu aqoon ahaan , shaqo ahaan , xisbi ahaan iyo wada shaqayn ahaanba aanu Maxamuud Xaashi iska badsanay ay naf moodeen laba sanadood iyo badh cay , buuq , aflagaado iyo xagxagasho , ilaa hadda wax natiijo ah oo ay ka heleen aanay jirin .

Waxa kale oo aan ilaawin karin ninka firfircoon ee xildhiban Mustafe Khareeye oo rag badan oo adeeradood u shaqaynaya ka ilbaxnimo iyo raganimoba badan. “

Emial÷baraarugnews@gmial.com or caarshe7@hotmail.com