Wada-hadaladii ee Ugu Dambeeyay Somaliland iyo Soomaaliya Muuse Biixi wuxuu saxeexay Is-dhexgalka Labada Shacab

0
693
Hargeysa,(Baraarugnews.net)-“Laga soo bilaabo 1 July 2010 oo lagu dhawaaqay natiijadii doorashadii madaxwayne Axmed Siilaanyo dalka jamhuuriyada Somaliland waxa la furay albaabo ay Somaliland hore isaga xidhay oo ay u aragtay in aanay dan u aheyn xiligani wax midho dhalaana ka soo baxeyn waxaana ka mid ahaa 1- Wadahadal dhex mara Soomaaliya 2- Siyaasada Carabta , oo si isugu xidhan , maadaama carabta oo dhami shuruud inagaga dhigtay midnimo soomaaliyeed .
Arimahani waxa ay horseedeen in dawlado badan oo dano kaga xidhan yihiin gobolka Geeska Africa iyo jamhuuriyadii burburtay ee soomaaliya in ay dilaalaan oo ay shirar yabooh dhaqaale aduunka ugu baaqaan soomaali dawlad loogu dhisayo , si sawirka loo buuxiyo waxa ay noqotay in Somaliland na goob joog ahaato iyada oo qodob ay ku soo joogsato maxsuulka shirka lagu daray.
Shirkii labaadna si cad ayuu ingiriisku Axmed Siilaanyo ugu sheegay in uu ka soo qayb galo shirka soomaaliya loo qabanayo, xiligaasi oo uu ka gaws adaygay waxaa inala kulmay culeys diblomaasiyadeed oo adag oo aynu markii hore wadada la inoo soo maray cagaheena ku doonanay.
Waxa aynu kawada dharagsanahay natiijadii wadahadaladii jamhuuriyada Somaliland iyo Jamhuuriyada Federalka Somalia ee Muuse Biixi wuxuu saxeexay is dhex-galka labada shacab oo noqotay in Muqdisho la inooga taliyo , u fiirso safiir waliba oo Muqdisho jooga oo xalane degan ayaa halkan inoogu yimaada warqadihiisa aqoonsiga safiirnimona u dhiibay taliska maqaarsaarka ah ee villa Somalia.Muuse Biixi Wuxuu Khalinka ku Duugay Wada-hadaladii Jabuuti ee Madaxweyne Farmaajo ee Ugu Dambeeyay Is Dhex-galka Labada Shacab EeSomaliland iyo Soomaaliya ma ,ragno dawlad ka dareen celisay , shacab ka dhiidhiyey iyo mucaarad si adag uga hadlay midna.
Xukuumada labaad ee Kulmiye kulankii ay Addis-Ababa kula gashay maamulka Villa Somalia ee uu raisal wasaaraha Ethiopia dhex-dhexadinayey runta inoogamay sheegin waxii ka soo baxay , si ay qadiyada Jamhuuriyada Somaliland tahay wax raali galinta afka ah ee uu Farmaajo bixiyey ku dhan ayuu madaxwaynaha Somaliland ku faanay in caalamka lala hadlayey oo ay markii ugu horaysay tahay ee madaxwayne Villa Somalia joogaa ka garaabo , iyaga oo Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud hore uga hadlay ayaanu midna xusin.
Kulankii Djibouti , garnaqsi iyo hadal ka bacdi waxaa ka soo baxay maxsuul ah in la isdhexgalo oo ilaa hadda aan la garan macnaha uu lahaa , Xukuumaduna ay ku adkaysatay in uu ahaa go’aan sax ah in sidaa la yeelaa , ma jirin cid ka hadashay oo arinkaasi ka qaylisay waxaana loo arkay in shacabkuba qadiyadii quus ka taagan yahay , xataa waxa shirka Djibouti la iskula soo qaaday in madaxwaynaha Somaliland kaalay Muqdisho maamul la yidhaahdo oo aan wax qarsoon aheyn.
Safarkii ugu dambeeyay ee uu madaxweynaha Somaliland ku tagey Djibouti soo noqodkiisii markii uu dhulka soo maray meelihii uu ka hadlayey ayuu mid ka mid ah ka sheegay in mapka gobolka oo dhan wax laga badelayo , cid u dhug lahayd ma jirin waxaa uu ka hadlay , madaxweynaha waxa loo dhaariyey qaranka jamhuuriyada Somaliland iyo khariidadiisa hadalkaasina waa uu ka baxsanaa waxii loo dhaariyey cid ka daba hadashay iyo cid dhag u dhigtay oo isweydiisay tolow maxaa lagu badelayaa ma jirto.
Intaasi marka lagu daro in warbaahintii madaxa banaanayd xukuumadu cadaadis siyaasadeed oo dadban ay kuwada fadhiisisay , ayaa waxa la odhan karaa waxaa jira qorsheyaal degamsan iyo ujeedooyin dadban oo dalkani lala maagan yahay , waxaa u dambeeyay hadalkii warbaahinta Ethiopia dhex qaadayey ee in Somaliland dhinac ka tahay dagaalka Ethiopia oo aanay xukuumadu beenin in uu ahaa wax laga been abuuray.
Isku soo wada xoori safiirada xalane degan ee dalka jamhuuriyada Somaliland yimaadaa waxa ay inoogu yimaadaan gobol hoos taga Villa Somalia, waxaa Muqdisho ka socsa wax la leeyahay waxa lagu dooranayaa xildhibaanadii Somaliland xukuumaduna waa ka aamusan tahay , waxa inoo dheer baraha bulshada oo magacaabista Muqdisho iyo ta Somaliland si isku mid ah loo hambalyeynayo waxaa aynu galay xaalad qaranimada loo werwero.
Iyo waliba marka lagu daro in masuuliyiintii ka soo shaqeeyay maamulada Muqdisho uu maalinba mid Hargeisa ka soo dego isaga oo aan cadeyn in uu mawqifkiisii hore ka noqday iyo in kale , waxaa qaranka jamhuuriyada Somaliland soo gaadhay jaahwareer siyaasadeed oo shacabkiina ku asqoobeen meesha loo socdo.
Haddaba waxa xukuumada laga rabaa in ay qorshe cad ka soo saarto oo ay beesha caalamka kula shaqeynayso isla markaana aanay ka mid aheyn maamulka maqaar saarka ah ee Villa Somalia iyo doorashada Muqdisho, sidoo kale xaaladaha Gobolka Geeska Africa halka ay ka taagan tahay iyo siyaasada ay kula macaamileyso caalamka.
Mohamed Abdi Jama

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here