“Waan Qalbi Jabay, Mana Ku Fakarin Natiija La’aan Ku Soo Dhammaado.Nin Khiyaanoole Ah…” Yzabel Szisky

0
730

Paris,(Baraarugnews,net)-Jaceylku wuxuu noqon karaa mid natiija la’aan ku soo dhammaado. Xitaa Jaceylka fool ka foolka ah ee labada qof dhex-mara wuxuu ku soo idlaan karaa dhacdooyin xanuun badan. marka aad xidhiidh jaceyl aad ku abureyso qaabka lagu xidhiidho oo loo adeegsado teknooloojiyadaha casriga ah, waxaa dhici karta wixi aad fileysay wax aan ahayn iney kaaga soo baxaan, halkaasina aad kala kulanto niyad jab aad u weyn.

Waana taa waxa ku dhacay Yzabel Szisky oo filimaanta soo saarta oo u dhalatay dalka Faransiiska xidhiidh jeceyl oo wada sheekeysi, toos ah uu ku dhammaaday iney ku dhacdo dabin halis ah oo natiijadiisu noqotay mid been ah.

Idaacada BBC-da uga warrantay, sida ay jeceylka ku qaadday iyo khiyaanada looga tagay oo ay hadda ka shaqeyneyso dhaawaci soo gaadhay, siddii ay uga bogsan lahayd.

2017-kii Yzabel waxay ahayd 46 jir, madax bannaan oo raadineysa xiriir cusub iyada oo xidhiidh-kaasi ayey ka raadisay App-ka la isku shukaansado.

“Saaxibbadeey ,iyaduna madax bannaan ayaa iiga sheekeyn jirtay sheekooyinka jaceylka ee la yaabka leh ee App-ka shukaansiga lagu wadaago. Markii hore waxaan is idhi waa inaad dadka App-kaa isticmaalaa la kulanta su’aalana ka weydiisaa. Hase yeeshee waxaan garwaaqsaday haddii ay dadku xidhiidh jaceyl halkaa ka sameysteen inaan aniga nafteyda u raadiyo,” ayey tidhi Yzabel Szisky.

Waxay App-ka ku dhex aragtay nin aad u qurx badan oo xogtiisa oo dhan halkaa kula wadaagay. waxaana ninkaasi lagu magacaabaa Tony (Colby) oo ah dhakhtar qalliinka ku takhasusay oo deggan Los Angeles mardhawna qorsheynaya inuu Faransiiska u wareego.

“Waan qalbi jabay, mana ku fakarin……

Tallaabbadii ugu horreysay ee ay qaaddayna waxay ahayd iney sameyso waxyaabo ninkaasi ay ku soo jiidaneyso, iyada oo markii dambe soo jiidashada labada dhanba si isku mid ah ay uga socotay. Waxayna wada sheekeysteen in ka badan toddobaad, Yzabel waxay la dhacday xiriirka cajiibka ah ee ay ninkaasi la yeelatay,waxaaney tidhi. “Nolosha uu soo maray ayuu iiga sheekeeyay, anna teyda ayaan u sheegaa. Wuxuuna ninkaasi iila muuqday nin jaceylka wax ka yaqaanna.”

Xidhiidhkii markii uu meel dhexe u marayey ayey go’aan ku gaadhay inay wajigiisa arragto, sitoos ah.Waxaaney dhanka moobilkeeda ee kamarada muuqaal ah (video call) ku wacday ninkii ay la sheekaysan jirtay. Habeen ay saaxiibadeed la joogtay, Yzabel waxa ay ‘Tony’ ka wacday taleefoonkeeda gacanta, 10-daqiiqo ee ay wadahadalyeenna muuqaal ayey ka duubtay, kadibna waxa ay wejigiisa tustay asxaabteeda.  “Marka aad wicitaan muuqaal ah aad ku jirto, inta badan waxaad ahmiyadda siisaa inaad adiga isqurxiso si muuqaalkaaga oo quruxsan uu dhinaca kale u gaaro oo kuma mashquuleysid qofka kale ee kula hadlaya, marka runti anigu ma u sii fiirsan qofka ila hadlayo muuqaalkiisa sida uu u yaallo,” ayey tidhi Yzabel oo wixii dhacay dib u xusuusaneyso. Muddo ayey farriimaha qoraalka iyo wcitaannada muuqaalka ah isdhafsanayeen hase yeeshee’ Tony’ ayaa si lama filaan ah u joojiyey xiriirka uu Yzabel la sameyn jiray.

Markii ugu dambeysay ee aan wadahadlanay wuxuu ii sheegay inuu magaciisa ahayn ‘Tony’ balse magaciisa saxda ah uu yahay ‘Murat’.

“Waan naxay, waa arrin kale oo igu dhacday, sababtoo ah ninkaygii hore magaciisa ayaa la oran jiray Murat, wuxuuna ii sheegay in uu Turki yahay oo uu ku nool yahay magaalada Istanbul, anigu xitaa ma xanaaqin, oo waan la yaabay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here