Tiradda Dad Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Gobolka Sanaag

0
223
Tiradda Dad Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Gobolka Sanaag
Tiradda Dad Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Gobolka Sanaag

Sanaag,(Baraarugnews.net)-Ugu yaraan shan qof ayaa ku geeriyooday,halka tiro ka badana ay ku dhaawac-meen qarax loo malaynayo innuu yahay Ismiidaamin oo ka dhacay deegaanka Milxo oo ka tirsan deegaanka Degmadda Laasqoray ee Gobolka Sanaag ee bariga Somaliland.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in galabta casir gaabkii lala eegtay dad shacab ah oo ku sugnaa meel maqaaxi ah oo lagu shaaho, waxaana loo maleynayaa inay ka dambeeyaan ururka Alshabaab, oo halkaas meelo aan ka fogayn ka howlgala.Isla markaana lama oga sababta weerarkan loola beegsaday deegaanka Milxo, hase ahaatee warar aan helnay waxay sheegayaan in dhawaanahan uu jiray dhaqdhaqaaqyada ciidamo deegaanka ah oo ka horyimid lacago canshuur ah oo Shabaabku ka qaadi jireen dadka deegaanka Milxo.

Sidoo kale,Deegaanka Milxo waa dhul laga baarto macdanta, waxaana tiro dhowr jeer ah ka dhacay iska- horimaadyo u dhaxeeya Alshabaab iyo ciidamo Macaaawisley ah oo aan cidna hoos tagin.Balse Deegaankan ayaa katirsan Somaliland, halka ay ka mid yihiin dhulka ay ku muransan yihiin SOmailand iyo maamul-goboleedka soomaaliya ee Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here