Akhriso Xogta Dhabta ah÷Maxamed Cumar Carte Qaalib oo maanta lagu xidhay madaarka Hargeysa &Baasaboorka uu Sitey iyo madaarka uu ka soo duulay ma ka soomaaliya ee Muqdisho-baa?

0
657
  • Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Raysal,wasaare ku xigeenkii dawladii madaxweynihii hore ee soomaaliya Xasan Sheekh Maxamed Cumar Carta Qaalib Ayaa maanta lagu xidhay madaarka magaalada Hargeysa ee Cigaal Internashnal eeribood ee magaalada Hargeysa,isla markaana waxa la sheegay in ciidamada nabadgelyada  booliska ee ilaaliya madaarka ay abaaro koob iyo tobankii maalin-nimo ee maanta uu ka soo degay madaarka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa Maxamed Cumar Carta qaalib. Qaar ka mid ah shaqaalaha ka hawl-gala madaarka Hargeysa oo ka gaabsadey innaanu magacooda sheegno,sababo la xidhiidho in saameyn ku yeesho shaqadooda warkan,ayaa u cadeeyay wakaalada Wararka ee warbaahinta Baraarugnews.net in ilaalada  ciidamada nabadgelyada Madaarka magaalada Hargeysa ee Cigaal international.  Warku wuxuu intaa ku darayaa in Maxamed Cumar Carte Qaalib uu ka yimi,kana soo duulay saaka madaarka caasimada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho,balse hawl-wadeenada ka hawl-gala madaarka Hargeysa,ayaa noo sheegay in markii uu ka soo degay diyaarada uu la socdey maxamed Cumar Carte qaalib oo ka soo duushay magaalada Muqdisho ee Soomaaliya ay ku qabteen ciidanka Imgireeshanka ama Terminaalka ee madaarka Cigaal internashnal eeribood  Magaalada magaalada Hargeysa. Sidoo kale, hawl-wadeenada, ayaa noo cadeeyay in Maxamed Cumar Carte Qaalib uu sitey Baasaboorka Dublimaasiga dawlada Soomaaliya,isla markaana ay xidheen ciidanka ilaalada nabadgelyada madaarka caasimada somalilan ee Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here