Taliyaha Sirdoonka Itoobiya oo ka hadlay Goobta Saldhiga Uu Siiyey Muuse Biixi Dekedda Somaliland

0
41

Itoobiya,(baraarugtv.com)’Taliyaha Sirdoonka Ethiopia Redwan Hussien oo maanta wareysi khaas ah siiyey talefishanka CGTN Africa ee laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa sheegay in goobta ay ka maalagashanayaan Dekadda Ganacsi, saldhigana ay ka dhisanayaan ay ku taalo meel u dhaxeysa Saylac iyo Berbera. —hore waxa looga hayey in goobtu tahay Lughaya—

Ridwaan Xuseen oo horey u ahaa, la taliyaha amniga qaranka Raysal Wasaaraha Ethiopia, sidoo kalena madax ah u ah gudida Itoobiya u qaabilsan Isfahamka Somaliland iyo u dhaxeeya, waxa kale oo uu sheegay sababta ay doorteen goobta u dhaxeya Saylac iyo Lughaya ay tahay in Jidka tareenka ah iyo jidka laamiga ah ee ay qorsheeyeen inuu xidhiidhiyo dekadda ganacsi iyo Ethiopia ay goobtaasi tahay ta ugu haboon, ugu dhaw, kharashka ugu yarina uu kaga bixi karo maalgalintaas.

Madaxweynaha Somaliland Muse Bihi Abdi bishii 1aad ee sanadkan sheegay in dekad ganacsi oo aan Berbera aheyn mooyee, tu kale laga dhisi karin dalka, ayaa wareysi uu bishii hore dhamaadkeedii siiyey majalada Financial Times oo laga leeyahay dalka ingiriiska u sheegay in Ethiopia ay u ogalaadeen maalagashiga Dekad Ganacsi, saldhig ciidana ay ka sameystaan Somaliland.

Abdirahman Mohamed Ibrahim
Trade Facilitation Analyst