Mareeyaha Dekeddaha Dawladda Somaliland oo ka hadley kaalinta adeega iyo habka maamulka dekeddaha adduunka ay ka dekedda Berbera

0
155

Berbera,(Baraarugtv.com)-Mareeyaha Dekeddaha Dawladda Somaliland.Eng.Siciid Xassan Cabdillaahi,ayaa ka hadley kaalinta adeega iyo habka maamulka dekeddaha adduunka dekedda Berbera ee somaliland.

“Waxaan boggaadinayaa kaalm aha sare ee Dekedda Berbera ka gashay Dekedaha Adduunka.
Waxaa surta geliyay in aynu kaalmahaas galno shaqo wanaaga dhammaan qaybaha kala duwan ee Dekedda Berbera ka hawl-gala, DP World Berbera, Kastamka Dekedda Berbera, Ururka Geellaha, Waaxda Badda Dekedda Berbera iyo Iskaashatada Gaadiidka Tawfiiq.
Sidoo kale, waxaan idinku dhiiri gelinayaa in aad dedaalka halkaa ka sii wadaan si aynu u gaadhno kaalmo kuwan ka sii sareeya.”ayuu yidhi mareeyaha dekeddaha somaliland Siciid Xassan Cabdillaahi oo ka hadley warbixin lagu qiimeeyay dekeddaha adduunka,taasoo ay daabacday wakaalaďa africa business.