Taliska Booliska Somaliland ayaa hadda xaqiijiyay in ninka Hooyada Umusha ah ku jiidhay Hargeysa

0
52

Taliska Booliska Somaliland ayaa hadda xaqiijiyay in ninka Hooyada Umusha ah ku jiidhay Hargeysa uu ka mid yahay Darawalada dawladda Hoose ee Hargeysa.

Boolisku waxa ay sheegeen in ninka ay gacanta ku soo dhigeen ayna baadhayaan qaabka dhacdadu u dhacday.Dhinaca kale waxa ay tacsi la wadaageen Ehelada Hooyada dhimatay.Qoyska Hooyada dhimatay ayaa Warbaahinta u sheegeen in Gaadhiga dawladda Hoose si badheedh ah loo jiidhsiiyay hooyada kadib markii ay ku murmeen Adhi ay lahayd oo ay magaalada ka sii saaraysay.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in raggii Hooyada jiidhay ay maydkeedii goobtii kaga tageen, adhigiina ay Gaadhiga ku gurteen.