SOMALILAND:Xaqiiqda BLOCK 6 – Shidaalka Laga Helay Baha-Dhamal, Salaxley

0
396

#SOMALILAND:Xaqiiqda BLOCK 6 – Shidaalka Laga Helay Baha-Dhamal, Salaxley.

Halka shidaalka laga helay ee Degmada Salaxley gaar ahaan Tuulada Baha-Dhamal waa BLOCK 6 sida ka muuqata shaxda shidaalka Somaliland. Waxaa xusid mudan in Block 6 (iyo qaybo block 7 iyo 10 ah) ay shirkada GENEL ENERGY u haysato liisan isla markaana ay leedahay saami dhan 50%. Waxaa kale oo saami ku leh STERLING ENERGY(25%), JACK RESOURCES (15%) iyo PETROSOMA(10%). Hawl sahamin ahayd oo halkaa laga waday ayaa istaagtay 2016-kii taas oo mar dambe dib loo bilaabay lana dhamaystiray. Hadda waxaa taagan qodistii. Waxaa xusid mudan in shirkad la yidhaahdo CONNOCO-PHILIPS ay iyaduna dhankeeda sheegaynayso iney haysato liisan isla aagaas block 6 ah kaas oo ay siisay dawlada Soomaaliya.

Heshiisyada noocan ah ayaan ilaa hadda Somaliland Golaheeda Wakiilada la hor keenin. Ayaan-darrada kale ee jirta ayaa ah in Somaliland Muddo dheer ay ilaa hadda aanay dhamaystirin Xeerkii Dakhliga shidaalka.

Wasiirka tamarta oo saaka la hadlay warbaahinta ayaan dadka reer Somaliland u sheegin xaqiiqda Block 6 oo tifaftiran isaga oo aan sheegin goorta la bilaabayo qodista (drill) aagaas, iyo halka uu marayo Xeerkii Dakhliga Shidaalka lagu maamuli lahaa iyo inuu heshiisyadan hor keenayo Golayaasha xaqa u leh iney ansixiyaan?

Allaa Mahad leh,
Xamse C. Khayre
Xog-hayaha Ganacsiga, Warshadaha & Dalxiiska
Xisbiga Waddani

FG: Saamiga Sterling Energy iyo Jack Resources waxaa ka iibsaday ASANTE OIL. Markaa waxaa hada wada leh GENEL ENERGY, PETROSOMA, & ASANTE OIL.
#Hayaannews
#Mustafe_Janaale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here