Maraakiibta Ugu Waa Weyn Ee Qaada Sahayda Ciidamadda Maraykanķa Oo Ku Soo Wajahan Dekedda Berbera

0
331

Maraykanka,(baraarugnews.net)-Markab qaada Agabka ciidmada dalja maraykanka ayaa u soo shiraaqday dhanka xeebaha dekedaha somaliland.isla markaana Mid ka mid ah Maraakiibta Ugu Waaweyn Ee Qaada Sahayda Ciidammada Mareykanka Oo Ku Soo Waajahan Dekedda Berbera ee Somaliland. Energy Primavera oo ka soo baxaya magaalada Sakaide, Japan, oo ku soo socda Berbera, Jamhuuriyada Somaliland-
Markab lagu magacaabo Energy Primavera, markabkan oo ah markabkii ugu dheeraa, uguna balaadhnaa ayaa waxa uu safar ugu baxay Dekeda Berbera.
Energy Primavera, waxa uu ka soo baxay magaalada Sakaide, oo ku taala waqooyiga Japan September 5, 2022, waxana loo qorsheeyey in uu gaadho Dekeda Berbera Salaasada, October 4, 2022, 05:00 subaxnimo.
Markabka Energy Primavera, waa mid ka mid ah maraakiibta waaweyn ee u shaqeeya ciidamada Maraykanka ah ee saldhiga ku leh Yokota Air Base, oo ku taala Japan iyo saldhiga Fuchu Communication Station oo ku taala magaalada Fuchu.
Dhinaca kale, in markab baaxadaas leh uu ku soo xidhanayo Dekeda Berbera,ayaa macnaheeda waxa ay tahay in Dekeda Berbera ay isticmaali karaan maraakiibta dagaalka ee Maraykanka sida USS Enterprise, Gerald R. Ford Class,Nimitz Class,HMS Caledonia iyo USS John F.Kennedy.
Energy Primavera, waa markab cusub, waxana la sameeyey 2012.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here