Somaliland:-Habeenkii Labada Barasafoor(Prosofor), Iyo Maayir Cabdikariin Mooge Ee Hargeysa

0
672
Somaliland:-Habeenkii Labada Barasafoor Iyo Maayir Cabdikariin Mooge Ee Hargeysa
Somaliland:-Habeenkii Labada Barasafoor Iyo Maayir Cabdikariin Mooge Ee Hargeysa

Somaliland:-Habeenkii Labada Barasafoor Iyo Maayir Cabdikariin Mooge Ee Hargeysa
Maraykanka,(Baraarugnews.net)-“Aan ku bilaabo, Magagaca illaahayga weyn ee naxariista guud iyo tan gaarka ah-ba. Aan soo dhaweysto qalinka iyo dawaadda bal aan isku dayo in yar inaan wax ka idhaahdo, Maskaxdii ka dambaysay talooyinkii aqoonta iyo garashada wanaagsan ee guusha ku hogaamisay Maayarka Caasimada Somaliland ee Hargeysa. Cabdikariin Mooge.
maalmuhu waxay isu bedelayaan oo taariikhdu u soconaysaa in aan wax ka baranno oo waayo arragnimo aan ka qaadanno waxyaabaha dhacayana aan cibro ka helno.
Habeenkii Labada Porosofoor Iyo Maayir Mooge ee Magaaladda Hargeysa
Bilowgii beshii May 2014-kii weeyaan sawirkani caawa aan idil-na wadagayo, wuxuu xabaarsan yahay macno weyn riyo aad doonayso inaad noloshaada gaadho mustaq-balka, laakiin aad garanayno siday tahay ama u eegtahay jidka loo marayo. Dib-u-xasuusashada xilligii Cabdikariin Mooge naftiisu orodka ugu jiray, siddee u noqon-kartaa Duqa Caasimada Somaliland ee Hargeysa?
Maayar Mooge Xilligaa duruuftii iyo waayihii adkaa ee ku xeer nayd,haddii in yar aynu ka xusno xasuusihii dhadhaaraha halgankii baadi goobkii Maayar-nimo ee magaalada hargeysa Cabdikariin Maxamed Mooge. naf kula eerashadii ee baahidii talo iyo aqoon uu ka raadsaday labada Barasafoor ee walaalaha ah Prof. Cabdiraxmaan Axmed Shunuuf iyo prof. Nagiib Axmed Shunuuf ee kulankii habeenkii Hargeysa. Sawiraddan waa kulankii Cabdikariin Mooge iyo Labada Prof. Cabdiraxmaan iyo Prof. Nagiib Axmed Shunuuf oo ku saabsanaa rabitaankiisii gaarka ahaa xilligaa, waa tallaabada ugu horreysay Cabdikariin Mooge,Prof. Cabdiraxmaan Iyo Prof.Nagiib ee lagu xaqiijinayo rabitaankiisii inay wax kala qabtaan labada Barasafoor ayuu ku saabsanaa sawiraddan halkan idinka muquda ee Maayirka Magaalada Hargeysa Cabdikariin Mooge iyo Cabdiraxmaan iyo Nagiib Axmed Shunuuf.Kulanka sawiradda Cabdikarriin Mooge iyo Labada Barasafoor Cabdiraxmaan Iyo Nagiib wuxuu ahaa kulan dheer oo saacado badan qaatey. waxay bixiyeen casharo ku jaheysan jihada iyo in la go’aamiyo talaabooyinka gaarka ah ee loo baahan yahay in la qaado mustaqbalka, waxa ugu horreeya ee la sameeyo waa in si sax ah loo dejiyo ujeedada iyo horumarinta qorshe aynu doonayno in natiijo guul ah ka gaadhno baratanka doorashada Golaha deegaanka degmada Hargeysa..
Halkan hoose waxa idinka muuqda Sawiradda Maayarka Maanta caasimada Somaliland ee Hargeysa Cabdikariin Maxamed Mooge Iyo Labada Barasafoor ee Cabdiraxmaan iyo Nagiib Axmed Shunuuf, oo ku weheliyaan dhawr dhalinyaro oo ka mid dhalinyarada ku nool magaalada Hargeysa.

Xasuusta weedhihii errayaddii habeenkaas haddii wax-yar aynu ka xusno labada Barasafoor Cabdiraxmaan Iyo Nagiib Axmed Shunuuf wax aka mid ahaa:- “Guusha waxay ku xidhan tahay arrimo badan. sida is-dhaafsiga duruufaha, jawiga, aqoonta iyo xirfadaha meelaha qaarkood ee waxqabadka ololaha doorashada, siddii aynu uga dhabayno hadafkeena. Si kastaba ha noqotee, mid ka mid ah qaybaha ugu muhiimsan waa awoodda si sax ah loo dajiyo ujeedooyinka iyo in la sameeyo dadaal kasta si loo gaadho halkaynu beegsanayno.

Somaliland:-Habeenkii Labada Barasafoor Iyo Maayir Cabdikariin Mooge Ee Hargeysa
Somaliland:-Habeenkii Labada Barasafoor Iyo Maayir Cabdikariin Mooge Ee Hargeysa
Wadada guusha waa inaynu xooga u yeelano, inaynu u adkaysano caqabadaha iyo dhibkeeda. Niyad jab,qoomamo,ciil Guul-daro iyo murugo. Guul iyo farxad-ba leh weeye.Waa wado jid qodox badan ka buuxdo.”
Maxaad ka taqanaa tariikh Nololeedka mid ka mid ah labada Parasafoor Cabdiraxmaan Axmed Shunuuf?
Dr.Prof Aabdiraxmaan Ahmed Shunuf, wuxuu ku dhashay caasimada Somaliland ee Hargeysa. Dugsigii laga qoray Uulada Elementary school Riis (Reece Elementary school Hargeisa),ee Somaliland.
Middle school: Ahmed Guray. Hargeisa somaliland Secondary school: Farah Omar . Hargeisa somaliland.
University of California Berkeley: Bachelor Degree in Economics.
Portland state university: Masters degree and PHD in urban studies. dibana u baxay waxabarashadiisii sare ee jamacada igu qaalisan amiracan oo qaatey dagree master ilaa p h d ku sameeyey cilmiga dhaqaalaha ka dibna lecture ka noqdey dhaqalaha oo waliba dadka mareynkanka igu can San uu macalin u noqdey oo ayey ka mid yahiin prisedent barak Obama hadaba waa kuma qofkan aad u qiimo badan ku leh dhamaan bulshada somaliland oo ka soo shaqeeyey qorsheeynta qaran oo waliba dhisey hargeisa group hospital oo uu ahaa maamulihii ugu sareeyey 1998 ilaa 2000 ka diban gudoomiyahii jamcada hargeisa uu u magacaabey alle ha unaxariistee prasident m ibrhim cigaal waxaan ka shaqeeyey prof shunuf arimaha bulshada waxbarashada caafimaaadka iyo waliba sportska. Iyo waliba fanka iyo suugaanta ilama ahmed shunuf oo kalo ah dr abdirahman ahmed shunuf iyo prof najiib ahmed shunuf eng maxamuud ahmed shunuf waxaay sameeyey websitkii ugu horeeyey ee af ingiriis u badala fanka iyo suugaanta soomaliyeed iyo waliba heesihii waabari oo dhan prof waxaa intaaba ku shaqeeynayey mutadawacnimo prof shunuf waxaa ii xaqiijiyey inuu furi doono urur siyaasadeed marka la furo ururada siyaasada somaliland isagoo awooodana saari doonaya inay dhalinyarada somaliland ee aqoonta leh ay ka shaqeyn doonaa ururkaa insha alllah guul alle ha ku barakeeyo.”
Ugu Dambayntii:-
Somaliland:-Habeenkii Labada Barasafoor Iyo Maayir Cabdikariin Mooge Ee Hargeysa
Somaliland:-Habeenkii Labada Barasafoor Iyo Maayir Cabdikariin Mooge Ee Hargeysa
Somaliland:-Habeenkii Labada Barasafoor Iyo Maayir Cabdikariin Mooge Ee Hargeysa
Somaliland:-Habeenkii Labada Barasafoor Iyo Maayir Cabdikariin Mooge Ee Hargeysa

Niyad jabka Noloshaada iyo masiibooyinka guul darooyinka kugu dhacda ama ku habsatay.
Guushu waxay u baahan tahay qof u tixgaliya dareenada iyo dhacdooyinka aanu rabin ee uu waajahayo fariin u sheegaysa inuu dib u hagaajiyo oo uu badalo xeeladiisa halganka nolol raadis iyo guul, sidaad uga dhabayso mustaq-balkaaga waa inaad ka daalin rajooyinka hamigaaga aad hiigsanayso.

Iimeelada Xafiiska Guud ee baraarugnews@gmail.com or caarshe7@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here