Somaliland÷

0
334

Hargeysa,(BaraarugTV.com)-Wasiirka arrimaha Dibadda ee Maamulka Muuse Biixi Ciise Kayd Maxamuud,ayaa Si toos ah ayay ah ayay u taabanaysa isu socodka ganacsiga Somaliland, taas oo caqabad ku ah isu socodka badeecadaha, caqabadna ku ah horumarkeena dhaqaale. “Illaa 17,000 oo markab iyo 12% ganacsiga caalamiga ah ayaa sannad walba mara Badda Cas” Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Ciise Kayd Maxamuud ayaa sida yidhi.

“Markab kasta oo mara kanaalka Suweys ee u socda ama ka imanaya badweynta Hindiya ayaa jidkan isticmaala, markaa waxaad arki kartaa sida xaaladdu u daran tahay.” Ayuu Wasiir Kayd sii raaciyay hadalkiisa.

Warsaxaafadeed kasoo baxday wasaarada arrimaha dibada ayaa lagu sheegay in Somaliland ay maamusho xeeb dherer keedu leegyahay 850 KM, isla markaana ciidamadeeda xeebuhu ay ku guulaysteen in ay si buuxda u sugaan amaankeeda isla markaana ay Somaliland door wayn ka ciyaarto is waydaarsiga xogaha amaan ee Gacanka Cadmeed.