Muran ka taagan saamiga ay beesha dhulbahante ku laheyd Puntland

0
75

Laascaanood,(BaraarugTV)-Garaadka guud beesha dhulbahante Jaamac Garaad Cali,ayaa ka hadlay inay ka mid noqonayaan maamul-goboleedka soomaaliya Puntalnd.

“Dadkani maamul buu leeyahay. Go’aan buu gaaray. Maamulkaasi meel cad buu yaallaa. Meel lagasoo cesho ma ay jirto. 700 qof oo rag iyo dumar leh ayaa u shahiiday in aan dadkaan cid dambe u talinin”Ayuu yidhi garaad Jaamac Garaad Cali.”

Hadalka Garaad Jaamac ayaa ku soo beegmay, markii ay soo baxeen warar sheegaaya in garaadada SSC- Khaatumo ay doonayaan inay saxiixaan xubnaha uga mid noqonaaya 17-ka xildhibaan ee beesha Dhulbahante ku yeelanayso Punland.

Dhinaca kale guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta xubnaha baarlamaanka ayaa la sheegay inay qabteen araajida musharraxiin xildhibaan oo kasoo jeeda degaaanda SSC- Khaatumo.

Qaar kamid ah ayaa katirsan xubnaha golaha wasiiradda madaxweyne Deni, kuwaas oo doonaya inay kamid noqdaan baarlamaanka Puntland.