Qoraa runta sheegay ..oo qaadka cuna Qaadka/Jaadka

0
76

Qoraa runta sheegay ..oo qaadka cuna Qaadka/Jaadk

Maalinta galinkeeda hore waa ii orod iyo ruclayn, waa ii raadin iyo raacdayn, waa ii shaxaad iyo sharad beena, waxaan haybiyaa hebelo aanu asxaab nahay oo aan faashka ku qabto.

Soo muuqashadayda waa laga naxaa su’aashaydana waa laga war-wareegaa. Maalinba qof baa i naca, aniguna aan nacaa, weydiinta ayuu igu nacaa, aniguna war celintiisa ayaan ku nacaa.

Waan qub dhacay, oo waan qayirmay, ma da’weyni, haddana gabax baan idhi, dhar baan xidhanahay, haddana waan qaawanahay, sharaf baan ka qaawanahay, xishood baan ka qaawanahay, xarragaan ka qaawanahay, xurmaanan ka qaawanahay, adduun ma hayo, aakhirana ma haybsho, isma xisaabiyo, mana xisaabtamo, waxaan isku dhiibay waqtiga iyo waayaha, oo kolba siday doonaan iga yeela.

Galin danbana waa ii fadhi iyo foorar, waa ii raamsi iyo mirqaan, waa ii haasaawe iyo hadal tororoga, waa ii farxad iyo faan aan fadhiga dhaafsiisnayn. Xaalada aan ku jiro kama hadlo, mana jecli ka hadalkeeda, waayo mirqaanka ayay iga xumaynaysaa.

Waxaanse jecelahay ka hadalka xaaladaha
adduunku ka jira, Marka uu mirqaanku igu dhibqo waxaan noqdaa wada muxubo iyo kal gacal, Mar waxaan isu arkaa siyaasi ruug cadaaya oo tan iyo lixdankii soo shaqaynayay oo waxaan kala shushubaa, oo isku shushubaa siyaasadaha caalamka, Waxaan la doodaa muruq weynaha Maraykan, Waxaanan u doodaa maryo weynta carbeed.

Marna waxaan isu arkaa mufti ka jawaaba afarta mad-hab, Waxaanan u garnaqaa sunniga iyo shiicada anniga oon waligay
xer cilmi noqon, Marna waxaan is tusiyaa inaan ahay ababshaha dhalaanka iyo aabaha jacaylka, oo waxaan dhayaa dakharada cishqi iyo boogaha caashaq ee ay dhamaan dhalintu la il daran tahay.

Run ahaana maba aqaan jacaylku wuxuu yahay, Wxaanse wax walba ku dhisaa mala awaal, Marna waxaan isku arkaa maal qabeenka adduunka, oo waxaanu madal ku kulanaa Bill Gate iyo asxaabtiisa, Shilina jeebkayga kuma jiro, Marna waxaan maamulaa inta madax madaw ee uu Mawle uumay.
Aad buu ii cajabiyay hadalka runta ah

Xigasho Ismail Awil.