“Waxa Maalmahan Soo Baxay.Shacab,Shacab Xidhaaya.Waa Kuwee?

0
136

Hargeysa,(Baraarugtv.com)Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali X Xasan ayaa si balaadhan loogu soo dhaweeyay madaarka calaamiga ee Cigaal internashnal ee magaalada Hargeysa.isla markaan Guddoomiyaha xisbiga Waddani Xirsi ayaa eeddo ujeediyey sirdoon leexsan oo dhibaateeya shacabka reer somaliland.
Masuuliyiinta xisbiga oo hoggaaminayo musharraxa madaweyne Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo taageerayaasha Xisbiga ayaa si diirran u soo dhaweeyay guddoomiyaha oo ka soo laabtay safar uu ugu maqnaa dalka Ingiriiska.

“Guusha in yar ayaa inoo hadhey,haddii aynu nahey xisbiga Waddani.waxa nalaga sugayaa inaynu u dhaano dalka.xukuumadda muuse Biixi ee la-daalo dhacaysa dalka.haddii ay gabtay masuuliyaddii saarnayd xukuumadda.ogaada inaga ayey ina-saaran tahey masuuliyaddii kobaad.”

Guddoomiye Xirsi wuxuu intaa sii raaciyey hadalkiisa oo uu yidhi”Xukuumadda xisbiga Kulmiye oo caadeysatey in ay ku xad-gudubto shacabka.Waxa maalmahan soo baxay qaar shicib ah oo aan sharci u haysan oo shacabkii xidhxidhaaya.waa kuwee?

Waa qaar la baxay Sir-doonka. xaq uma laha in ay dad xidhaan.waanu xambaaraynaynaa,waxaanu leenahey xaq uma laha,waa sharci-daro. Shuruucda iyo dastuurka akhriya.shacab,shacab xidhaaya waa xad-gudub.”