Shirkadda Dahabshiil Group Oo Ka Farxisay Dad Haysan meel Masaajid Ay Ku Tukadaan Salaada

0
105

Kiiniya,(BaraarugTV.com)-Shirkadda Dahabshiil Group oo ka qayb qaatay qaadhaanka Masaajid Loo dhisaayo bulshadda soomaaliyeed ee degan Kaakuma oo ku taal dalka Kenya.

Wafti ka yimi Kenya oo Hargeisa u yimi uruurinta qaadhaanka Masaajidka ayaa maanta salaadii jimce masaajid ku yaal magaalada Hargaysa ka codsaday in wixii ka dhiman loo dhamaystiro.

Gudoomiyaha shirkadda Dahabshiil Group Xaaji Mohamed Said Duale, oo ka mid ahaa dadkii ku tukanayay masaajid ka ayaa halkaa kaga dhawaaqay in dhamaan lacagta loo uruurinay ee gudidu codsatay in ay ku deeqayso shirkadda Dahabshiil.

Culimidii safarka lacag uruurinta Masaajidka la dhisayo ujoogay dhawrka bilood iyo dhamaan bulshadii kale ee ku tukanaysay masaajidka ayaa u duceeyay, ugana mahadnaqy gudoomiyaha shirkadaha Dahabshiil Group dhamaystirka wixii ka dhinaa kharashka masaajidka, Allena uga baryay inuu barakeeyo

Dahabshiil Dahabshiil bank.