Qaabkee wiilka Soomaaliga Ah Qaar ka mid ahJidhkiisa Lagala Baxay?

0
444
  1. Hargeysa,(Baraarugnews)-wiil soomaaliya,ayaa xubin ka mid ah jidhkiisa lagala baxay,isla markaana baraha bulshadu ku wado xidhiidho ayaa si weyn looga hadal hayay maalmihii la so dhaafay dhacdo ku saabsan haweeney Soomaali oo ku sugan dalka Mareykanka oo ooyneyso xilli la sheegay in wiilkeeda oo meyd ah lagala baxay qaar kamid ah xubnaha jirkiisaMuuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa la arkayay hooyada oo aan magaceeda la sheegin iyo dhowr haween oo kale oo kor taagan meydka wiilka ka hor inta aan la aasin.

Muuqaalka oo ah mid argagax leh ayaa waxaa ka muuqda meydka wiilka oo la jeexay iyo afar haween Soomaali ah oo ku dul oynayay oo ay ku jirta wiilka hooyadii oo aan magaceeda la sheegin.

“Afarta dumar baan ku taaganahay, meydkayagii wakaa, waataa hooyadii dul taagan, waatan hooyadii ooyayso, meydkii waa la qashay, kilyihii baa lagala baxay, beerkii baa lagala baxay” waxaa sidaas tiri qof dumar ah oo meydka ag taagneyd xilli oohin  Horseed Nuux oo ah afhayeenka dalladda Soomaaliyeed ee xiriirka arrimaha masaajidda ee gobolka Ohio dalka Mareykanka kana mid ahaa dadkii sida weyn ula socday dhadcadan ayaa BBC-da u sheegay inay arkeen in aysan jirin xubin lagala baxay meydka sida ay u xaqiijiyeen dhakhaatiirta.

“Waxaan isku qancinay in aanay jirin xubin lala baxay, walaalka isaga oo meyd ah ayaa laga helay xaafad, cisbitaalka markii la keenay wuu meyd baryay kadibna waxaa la geeyay qolka la dhigo meydadka.” “Waxaa noola sheegay in dhowr maalmood kadib qalliin lagu sameeyay intaas waxaa inoo sheegay dhakhtarka iyo qareenka, marka waxaa meesha ka baxaysa fikirka ah ‘xubin baa lagala baxay markii aan la hadalnay qareenka iyo dhakhtarka iyo ninkii qalliinka ku sameeyay , waxaa inoo soo baxday oo aan ku qanacnay in wax xubin ah aanan jirkiisa lagala bixin’ ” ayuu yiri Horseed Nuux. Horseed wuxuu sidoo kale sheegay in dhakhaatiirta sababta ay u qaateen go’aanka ay tahay sidii ay ku ogaan lahaayeen waxa sababay dhimashada wiilka, taasoo ah qallin caadiyan lagu sameeya dadka geeriyooda si lo ogaada sababta keentay dhimashada. “Waxay yiraahdeen ma aanan aqoonin cid aan la xiriirno, sababta ka dambeysay dhimashadiisa ayaan rabnay in aan ogaanno, jawaabta wax sababay dhimashadiisana ilaa lix toddobaad beyn qaadan, waan sugeynaa”

  1. Waxaana la sheegay in qalliinka lagu sameeyay meydkan wiilka 8-dii bisha Nofeembar, wuxuu geeriyooday saddexdii isla bishan, sida Sheekha ay u sheegeen dhakhaatiirta. Xigasho bbc