nidaamka Madaxwayne Muuse ee ku xad-gudbay wixii ay xaqqa u lahaayeen.

0
65

“Madaxwayne Reer Awdal God Aad Gasho Oo Aad Doorashada Kaga Dhuumato Kuu Noqon Maayaane Doorasho Qabo…..

Waxa aad moodaa in ay Madaxwayne Muuse iskaga darsameen oo uu isku qaldayo labo aan isku xidhnayn, isku ekayn, isku midab ahayn, isku-jiho ahayn, iskoodna u kala madaxbanaan. Labadaas qodob, Madaxwaynuhu mid wuu ku meeraysanayaa, midana wuu ka meeraysanayaa.

Tan hore ee uu Madaxwayne Muuse ku MEERAYSANAYO waa—(Awdal & Xisbi). Madaxwayne ha ku meeraysan. Awdal waa qayb Somaliland ka mid ah, waxa ay wax la leedahay Somaliland, waxa ay helaysaa waxa uu dastuurku siiyay, waxa gacanteeda ku xidhan ee ah cod iyo inay la soo baxdo xisbi-na waa mid ku xidhan sida ay isku abaabulaan, codkooda u mideeyaan, taladooduna meesha ay iyagu dantooda u arkaan ku taageeraan. Sababta oo ah Awdal ma aha dulmane, daciif & dad koota loo xidho oo laga dayriyo in ay dantooda garanayaan iyo in kale. Taasi waataas.

Mida kale ee uu Madaxwaynahu ka MEERAYSANAYAA waa —(Qaybinta & Qallinka). Madaxwayne ka ka meeraysan waxa kaliya ee loogaga fadhiyaa waa inaad Awdal qaybta ay leedahay ka siiyo waxa qalinkaaga ku xidhan, waa qaybtii ay ku lahaayeen awooda iyo khayraadka dalka ee qaybintooda uu qalinka Madaxwaynahu go’aamiyo. Waa magacaabista wasiiro mug leh, madaxda hayadaha kale ee qaranka, taliyaasha ciidamada, agaasimayaasha guud iyo inta kale ee tiro beelka ah ee ku suntan dheeliga, xaq-darada, qaraabo kiilka, kaska iyo inuu-igu-fiican- yahayda ku wada saxeexan qalinka Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi.

Mid kalena waxa ay hortaal maanta Golaha Guurtida, waxana aan leeyahay dalkan waxa halkan soo gaadhsiiyay waa taladii tudhaalaha badnayd ee odayaasha golaha guurtida, ee idinkuna garta waxa idinla gudboon oo dalkan ansixiya xeerarka ka qabyada ah ee maslaxada guud ay ugu jirto dadkeena

Doorasho muddaysan oo dadkeenu u dareero ayaana ah xalka kama dambaysta ah ee lagu dawayn karo durrfaha adag ee umadeenu maanta la daalaa dhacayso. Danta Awdalna waxa ay sidoo kale ku jirtaa isla doorasho ay ku badalaan nidaamka Madaxwayne Muuse ee ku xad-gudbay wixii ay xaqqa u lahaayeen.

Dood uma baahna Awdal ee Doorasho ayay danteeda iyo tan dalkuba u jirtaa!

W/Q:_ Wasiir Hore Axmed Muumin Seed.