Muxuu Ku Sababeeyay Cabdiraxmaan Cirro Innuu Sagootiyo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani?

0
1514

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Murashaxa jagada Madaxweynimada xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro, ayaa is dul-taagey sababaha keenay innuu maanta sogootiyo Guddoomiyaha xisbiga Waddani, kuna wareejiyo Guddoomiyaha cusub ee xisbiga waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan uu maanta hogaanka qabta xisbigaa.

Cabdiraxmaan Cirro oo ka hadlay qodobada uu arrintan u cuskadey, waxaanu yidhi sidan:-

1. In aan aabuuro is aaminaad siyaasadeed iyo axsaab la wada-leeyahay oo aan deegaan gaar ah iyo qof gaar ah ku suntanayn.

2. In aan bilaabo sunne cusub oo ah in Gudoomiye xisbi ku dhaco inuu wareejiyo xilka gudoomiyaha isaga oo weli haakah odhan oon madaxweyne noqon.
3. In aan fursad siiyo in dhallinyaradu qaban karto xilalka ugu sarreeya Xisbiga oo uu ka mid yahay xilka Guddoomiyaha Xisbigu.
4. In la beddelo lanana tirtiro dhaqanka beelo gacan isu dhiibka ee siyaasadda.
5. In la dhiso oo la adkeeyo lana aamino hannaanka xisbinimada ee dalkeenna ka hirgalay.
6. In sunaha aan maanta bilaabay noqon mid anniga igu koobma oo keliya , balse, Gudoomiyaha igu xigaana uu dhaqankaaas qori isu dhiibka ah halkaas ka sii wado taas oo dhiiri geli weyn u noqon doontaa kaadirka xisbiga WADDANI.
7. Iyo In aan abuuro dhaqan siyaasadeed wanaagsan oo ay inagaga daydaan Xisbiyada kale ee inaga da,weyni hal-abuurk