Muxuu ku saabsanaa kulanka Salaadiin iyo wax-garadka somaliland ku dhex-maray murashaxa Waddani Guri Hargeysa Ah?

0
138

Hargeysa,*Baraarugtv.com)-Musharraxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa hoygiisa kulan kula yeeshay waxgaradka, Salaadiinta, aqoonyahanka, xildhibaannada,Siyaasiyiinta iyo haweenka Beesha Danwadaago ee beelweynta Ciidagale.

Waxgaradka Iyo haldoorka Beesha Danwadaago waxay sheegeen In dadka deegaankaasi ay si weyn oo culus codka u siin doonaan murrashax Cirro, islamarkaana isbedelka Waddani wado qayb weyn ka qaadanayaan.

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan maxamed Cabdilaahi Cirro iyo masuuliyiinta xisbiga ee wehelinayay ayaa dadka deegaanka Danwadaag uga mahadceliyey taageeridda wakhtiga badan ay dhisayeen Murashaxnimadiisa iyo Xisbigaba isagoo Ku Booriyey Inay u diyaar garoobaan doorashooyinka

Musharraxa waxa ku wehelinayay kulanka Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeyo, Xoghayaha Guud Khadar Xuseen Cabdi, xoghaye Ku xigeenka boosaha isgaadhsiinta Xasan Saleebaan Fiyoore Iyo Xildhibaan Khadar Guun.