Muuse Biixi oo xarashaaya qaybo ka mid ah Madaarka Diyaaraddaha ee Hargeysa

0
69

Hargeysa,(baraarugtv.com)-Waxa Hada socda burburin lagu wado dayrka ku wareegsan Airport ka hargaysa
Xukuumada ayaa burburinaysa dayrkii Airport ka waxaanay dib u rartay masaafo dhuleed oo badan
Waxaanay dib u iibinaysaa dhulkaa laga jarayo dayrka Airport ka
Markii ay Xukuumadu dhamaysay Wixii dhul iyo dhisme kuyaalay magaalada
oo ay dhamaan hore u faasaxday ayay Hada dhul ka jaraysaa Airport dhulkiisii kaydka ahaa.

Suurtagal noqon mayso in Airport ka caasimadu helo mustaqbalka balaadhin lagu sameeyo Hadaanu haysan dhul ku filan
amni ahaana maaha in Airport ka dhulkiisa gudaha loosoo galo oo dad laga iibiyo
Xukuumadii Siilaanyo Waxay lacag ku bixisay in Airport ku helo dhul balaadhan waana sababta ay dadkii u dhawaa uga iibsatay dhulkoodii dayrna ugu wareejisay Airport.Aduunka maynu arag Airport ku yaala Caasimad oo in la balaadhiyo mooyee dhulkiisa la damco Lana iibiyo
Muuse Waxa ku hadhay oo kaliya waa Madaxtooyada oo iyana dhawaan uu xaraashi doono.