Murashax Cirro oo u sacabo tubay xeer khalinka ku duugeen Golaha Wakiilada somaliland

0
338

Hargeysa baraarugnews.net'”Waxa aan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Mudanayaasha Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland (Xeer-dajiyayaal) oo maanta si ay Qarankeenna uga badbaadiyaan khilaaf siyaasi ah, iyo mid Dastuuri ahba ansixiyey in la isku sidko doorashada Madaxtooyada JSL iyo doorashada Ururrada Siyaasadda/Xisbiyada Qaranka isla markaana qabyo tiray Xeerarkii Doorashooyinka khuseeyey oo dhan.

Golaha Wakiiladu waxa ay maanta soo afjareen marmarsiyihii Sharci ee doorasho diidku dalkan ay ka wadeen. Hambalyo mar labaad.