Mudadda La Qabanayo Doorashada Kursiga Madaxweyne-nimada Soomaaliye &Tiradda Murashaxiinta U Tartamaaya Jagada Kursiga Madaxweynaha Muqdisho

0
303

Muqdisho,(Baraarugnews.net)- Jadwalka Muddada la qabanayo doorashada kursiga Madaxweyne-nimada Soomaaliya, ayaa maanta lagu dhawaaqay.Isla markaana Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, ayaa waqtiyeeyey in doorashada madaxweynaha dalka la qabto 15-ka bishan May.

Mudddo toban cishe ah ayaa ka dhiman waqtiga loo qabtay doorashada madaxweynaha, si looga baxo hubanti la’aanta siyaasadeed ee dalku kusoo jiray15 kii bilood lasoo dhaafay.
Shaacinta jadwalka doorashada, ayaa soo baxday waxyar kadib markii guddiga doorashada uu yeeshay hoggaan rasmi ah, kadib doorasho tartan adag loo galay oo lagu doortay guddoomiyaha iyo ku xigeenka guddiga doorashada.
Sidoo kale, waxa la filayo in ka badan 20 musharrax uu ku jiro madaxweynaha waqtiga uu ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isku soo sharixidoono xilka madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya.
Kadib muddo hal sano iyo in ka badan oo doorasho la’aan dalku ku jiray, waxay haatan u muuqataa in doorashada dhameystirkeeda wax yar loo jiro islamarkaasna lagasoo gudbay caqabado badan oo hortaagnaa.

Halkan Hoose ka akhriso Xilliga la qabanayo Doorasjhada Madaxweynenimada soomaaliya

Mudadda La Qabanayo Doorashada Kursiga Madaxweyne-nimada Soomaaliye &Tiradda Murashaxiinta U Tartamaaya Jagada Kursiga Madaxweynaha Muqdisho
Mudadda La Qabanayo Doorashada Kursiga Madaxweyne-nimada Soomaaliye &Tiradda Murashaxiinta U Tartamaaya Jagada Kursiga Madaxweynaha Muqdisho

Emial:-Xafiiska Guud ee Warbaahinta Baraarugnews.net Emial:-baraarugnews@gmail.com or caarshe7@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here