Maxay Tahay Sababta Sarkaalka Ka Tirsan Ciidanka Booliska Somaliland Uu Xalay U Dilay Najma Cabdillaahi Oo Aroos Aheyd Magaalada Hargeysa?

0
344
Maxay Tahay Sababta Sarkaalka Ka Tirsan Ciidanka Booliska Somaliland Uu Xalay U Dilay Najma Cabdillaahi Oo Aroos Ku Aheyd Magaalada Hargeysa?
Maxay Tahay Sababta Sarkaalka Ka Tirsan Ciidanka Booliska Somaliland Uu Xalay U Dilay Najma Cabdillaahi Oo Aroos Ku Aheyd Magaalada Hargeysa?

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Alle ha u naxariistee Najma Cabdillaahi Maxamed, ayaa Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka booliska Somaliland ku dilay magaalada Hargeysa.Isla markaana Najma Cabdillaahi Alle ha u naxariistee ayaa ka mid noqotay shaqaalaha Wasaaradda beeraha Dawladda Somaliland 2019-kii, halka 2021-kana mushaharku u bilaamayey. Waxay wax ku soo baratey jamacad ku taal dalka Turkiga. Waxay aheyd inan da’yar ah, waxay diyaarinaysay arooskeedii waxayna doonaysay inay ciida aqal gasho, laakiin nasiib daro dhamaadka nolosheeda ifka ayey noqotay dhamaadkii bisha rabadaan ee maalintii ciida habeenimadeedii oo aheyd xalay ayey macasalamaysay nolosha dhulka guudkiisa iyo hamigeedii maanka ku haysay inay nolosha la wadaagto mustaq-balka sayigeeda cusub ee is guursadeen.
Dhinaca kale, Ciidanka Booliska Magaalada Hargeysa, ayaa qabtay,gacantana ku soo dhigay,sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka booliska maxkamad Somaliland oo loo haysto innuu xalay toogasho ku dilay haweenayda da’yarta ah (22 jir ah). laba iyo labaatan jir ah.
Cabdillaahi Maxamed Cali oo ah Najma Aabaheed oo waysi siiyey Idaacadda BBC-da ayaa ka hadlay dilka Inantiisii Najma.”Waxa u yimid gaadhi alaab u siday oo waddada ku siinayay, kadib ninkan ayaa guriga kaga soo baxay oo xaafadaha ka soo horjeeda ah. Wuxuu ku yidhi ka dhaqaaq meesha. sida laygu yidhi.dabeetana wuu dhaafay oo waxay ku tidhi ‘gaadhiga alaab kale Ayaan ka qaadanayaa.”ayuu yidhi Aabaha dhalay marxuumada lagu dilay Hargeysa Najma.
Cabdillaahi wuxuu intaa sii raaciyey oo uu yidhi. “Wuxuu u dilay hiil uu walaashii u hiilinayo, kaddib markii ay gabadhayda iyo walaashii dagaallameen.”


Sida aabbaheed sheegay, waxay dhalatay sanadkii 2000. Waxay ka shaqeynaysay wasaaradda Beeraha ee xukuumadda Somaliland, isla markaana waxay xoghayn u ahayd agaasimaha Wasaaradda beeraha ee xukuumadda Muuse Biixi.Alle ha u naxariistee oo aan wali la aasin maydkeedii waxay bilk a hor ku aqal gashay magaalada Adis’ababa ee caasimada dalka Itoobiya.waxayna magaalada Hargeysa dib ugu soo noqotay dhamaadka bisha rabadaan.
Sidoo kale, Aabaha dhalay gabadha sarkaalka boolisku dulay, ayaa sheegay innuu doonayo in sharciga la waafajiyo oo tallaabo laga qaado ninka dilka geystay.
baraarugnews@gmail.com or caarshe7@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here