Midowga Yurub Oo Qasab Kaga Dhigay Madaxweyne Musue Biixi Innuu Miiska Wadda-hadal La Sameeyo Xisbiyadda Mucaaridka Somaliland

0
173

Midowga Yurub Oo Qasab Kaga Dhigay Madaxweyne Musue Biixi Innuu Miiska Wadda hadal Xisbiyadda Mucaaridka Somaliland

Hargeysa, (Baraarugnews.net)-Midowga Yurub, ayaa qasab kaga dhigay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Mucaaridka iyo muxaafidka Somaliland ayaa la qorshaynayaa inay markale iskugu yimaadaan miiska wada hadalka si ay xal uga gaadhaan khilaafka mudada dheer ka taagan doorashooyinka.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in midawga yurub iyo wakiilada kale ee caalamku ay wadaan dedaalo ku wajahan sidii miiska wada hadalka ay ugu soo noqon lahaayeen labada dhinac si ay markale u helaan fursad ay xal ugu raadiyaan khilaafka mudada u dhaxeeyey ee doorashooyinka.Maalinta sabtida ah 12 November 2022 ayey wararku sheegayaan in wada hadal u bilaabmi doono labada dhinac, midawga yurub ayaana doonaya in wada hadalka mucaaridka iyo muxaafidku ay furmaan ka hor dhamaadka mudo xileedka xukuumada si aanu u sii adkaan khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Somaliland, waxaanay ka hortagayaan in xisbiyadu ay talaabo qaadaan haddii la gaadho 13 November.

Sidoo kale waxa jira cadaadisyo Muuse Biixi iyo xukuumadiisa ka haysta dhinacyo badan kuwaas oo sababi karaya isbadel ku yimaada mawqifkii ay ka taagnaayeen kala horaysiinta doorashooyinka ururada iyo madaxtooyada somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here