Haddii Muuse Biixi Ku Adkaysto Go’aankiisa Faysal Cali Waraabe,Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Cabdiraxmaan Cirro Miyey Dagaalami Doonaan, Mise Mudaharaad Maalin Ah Ayuu Xaalkoodu Noqon-doonaa?

0
168

Hargeysa, (Baraarugnews.net)-Guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka  Somaliland UCID iyo Waddani Xirsi  Cali Xaaji Xasan,Faysal Cali Waraabe iyo murashaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro),ayaa maalmihii u danbeeyay khudbado kala duwan oo u jeedinayeen shacabka reer Somaliland, ku hanjabaayey ,haddii aan la helin xal siyaasi ah ka hor 13ka bisha November,2022-ka, Muuse Biixi-na ku sii adkaysto go’aankiisa iyo talo maroorsiga uu cid wal-ba dhegaha ka furaysto in ay xaalada Somaliland noqon doonto mid wajigeedu  ka duwan yahay,siday maanta tahay.

Ilaa iyo hadda ma jirto war rasmi ah oo ka soo baxay Guddoomiyaha Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo murashaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, waxyaabaha ay kula taliyeen iyo go’aanka loo baahan yahay inay qataan hogaamiyeyaasha xisbiyadda mucaaridka UCID Faysal Cali Waraabe iyo Waddani shirar-doceedyaddii hoose ee la yeesheen dadka ay u arkayeen macquul ee kula kulmeen magaalooyinka madaxda Gobolabada iyo degmooyinka bariga Somaliland iyo xisbi ahaan Waddani laftigoodu waxay yeelayaan, haddii Muuse Biixi cabdi ku adkaysto go’aankiisa ah innuu soo horaysiinayo qabashada doorashadda Ururadda iyo saddexda Xisbi Waddani UCID iyo Kulmiye oo sagaalka urur-siyaasadeed ee soo baxay iyo saddexdii xisbi ee jiray oo laftigoodu ururo isu-badela uu qabto doorashadooda.Haddii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku adkaysto go’aankiisa qabashada doorashadda Ururada,13-ka November 2022-ka Faysal Cali Waraabe,Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Murashax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro miyey dagaalami doonaan, Mise mudaharaad maalin ah ayuu xaalkoodu noqonayaa? Si-kastaba ahaatee guud ahaan-ba shacabka Reer Somaliland wel-wel iyo cabsi weynayaa soo food-saartey,kuwaas oo wadnaha farta ku haya,sidda uu xaalku noqon doono bisha saddex iyo tobanka bisha nufeebar. 13/11/2022-ka.

Halkan hoose kala soo xidhiidh Emial Xafiiska baraarugnews@gmail.com or caarshe7@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here