Maxuu Daarnaa ujeeddada kulanka Dhex-maray Gudd.Waddani Xirsi Iyo Waftiga Dalka Sweden

0
176

Hargeysa,(Baraarugtv.com)-Waxa aannu maanta caasimadda Hargeysa kula kulannay safiirka Sweden Mr. Joachim Waern oo uu wehelinayay Mr. Johan Svensson.

Kulankan ayaa waxa lagu lafaguray arrimo dhawr ah oo ay ugu muhiimsanayd doorashooyinka isku sidkan ee dabayaaqada sannadkan ka qabsoomi doona Somaliland.

Safiirku waxa uu bogaadiyay in Somaliland doorasho u jihaystay, isla markaana dhinacayadu isku wada raacsanyihiin qabsoomidda doorashooyinka astaysan.”Sidaa ayuu ku faafiyey qoraalkan Guddoomiyaha xisbiga Waddani Xirsi