Maxay Aheyd Fariinta Uu Siday Shibir Gacanta Ka Dhunkadey Suld. Guud Habar’awal

0
209

Maxay Aheyd fariinta Iyo Qisadda Uu Siday Shibir Ka Dhunkadey Gacanta Suldaanka Guud ee Beesha Habar’awal?
Hargeysa(BaraarugTv.com)-“Suldaanka guud ee beesha Habar’awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan,ayaa xilli uu ka soo baxay kulan lagu nabadeenayey laba beelood ee Ciise Muuse iyo Habaryoonis oo bishan gudabeeda isku dilay dhul daaqsimeed hawdka magaalada Burco ah,ka dib suldaan Xasan oo magaalada Hargeysa gurmad ugu baxay,isagoo cuqaal iyo odayaal hogaaminaaya,sidii ay u joojin lahaayeen dhiiga muslimka ah iyo walaalaha shaydaanku isku diray ee halkaas ku dagaalamaaya.balse salaadiin kala matelaayey labada beelood markii ay soo afjareen colaadii,kana soo baxeen shirkii gacmaha la isugu saarey labada beelood,ayuu suldaan Xasan yimi guri uu degenaa,kuna yaaley magaalada Burco.Suldaan Xasan markii uu fadhiistay sidaad ka arkikartaan sawirka shibir ayaa soo duushay,gudaha intay u soo gashey gurigii ayey soo aadey qolkii Suldaan xasan,ka dib waxay ku fadhiisatey gacantiisii midig.shibirtii ayaa afkeedii sidaa u saartey suldaankii,sida qof gacanta ka dhukanaaya oo kale suldaan Xasan.shibirtan hore umay joogi guriga,laakiin ficilka shibirtu samaysay ayey dadku ku tilmaameen inay aheyd khayrka Suldaan Xasan ka shaqeeyey aheyna aheyd gacantii suldaanku isu-saarey dadka walaalaha ah ee iblaysku ka dhex-shaqeeyay,habkii uu walaalnimo iyo wanaaga uu dhex-dhigay Suldaanka guud ee Subeer Awal Suldan Xasan Suldan Cabdillaahi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here