“Maxamed Kaahin Waa Munaaradii Berbera .. Waxba Cid uma qaban karo oo Xaawaleyda ka karti Badan” Badhasaabka Gobolka Sanaag Isdebar

0
162

“Maxamed Kaahin Waa Munaaradii Berbera .. Waxba Cid uma qaban karo oo Xaawaleyda ka karti Badan” Badhasaabka Gobolka Sanaag Isdebar

Ceerigaabo(Baraarugtv.com)-Badhasaabka Gobolka Sanaag Axmed Isdeber ayaa cod sir ah oo laga duubay si axaqnimo ah ugu xajiimeeyey sharafta iyo karaammada Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ahna Gudoomiyaha xisbi xaakimka Kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, kaasoo uu ku tilmaamay inuu yahay wax matare sawir ah.
Axmed Isdebar oo ah wiil dhalinyaro ah oo aan lahayn khibrad iyo waayo aragnimo shaqo ayaa si qaawan u dhaliilay Muj. Kaahir oo ah kii ugu magacaabay xilka badhasaabnimo. afaara qabiilka inuu yahay wax matare bilaa karti ah marka loo eego ayuu yidhi; Shugri Boodare (Wasiirka deegaanka Somaliland) wax tarkeeda sare”. Waxana uu sheegay inuu iminka quus ka taagan yahay Maxamed Kaahin kadib markii waxba ka qaban waayey arrimo badan oo uu ula tagay inuu wax kala qabto.” Ina Kaahin waa Munaaradii Berbara oo waxba ma qaban karo…waxaana dhaanta Shugri boodare..” ayuu yidhi, Badhasaabka Sanaag.Mr.Isdebar, isaga oo la hadlayey Maayorka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur.

Codka sirta ah ee laga duubay badhasaabka Sanaag oo lagu faafiyey baraha bulshada (Social Media) ayaa ujeedadiisa lagu tilmaaay inuu yahay mid lagu wiiqayo sumcada iyo taageerada bulshada reer Sanaag u hayso Mmujaahidka weyn Maxamed Kaahin Axmed iyo Xisbiga Kulmiye.

Xigasho warbaaahinta Hayaannews