Maxaad ka og tahay mucjisooyinka xeerka nidaamka garsoorka Somaliland?

0
726
Maxaad ka og tahay mucjisooyinka xeerka nidaamka garsoorka Somaliland
Maxaad ka og tahay mucjisooyinka xeerka nidaamka garsoorka Somaliland

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-“Maxaad ka og tahay mucjisooyinka xeerka nidaamka garsoorka Somaliland ee ay ku dhacday dhib u dhow ta haysta Xeerka Lr. 14?
Xeerka Nidaamka Garsoorka Somaliland waxa la ansixiyay sanadkii 2003, balse mudo shan sanadood ah ayuu ku dhex wareegayay Baarlamaanka iyo Xafiiska Madaxwaynaha. Waxa dooddu u wayni ka taagnayd xeerka dhaqangalka noqoday ka uu yahay. Waxa dooda keenay Baarlamaanka oo ku daray qodob waxtar u leh madax-banaanida Maxkamadda Dastuuriga ah kaas oo u dhignaa in eriga garsoorayaasha Maxkamadda Sare oo ah Maxkamadda Dastuuriga ah iyo magacaabistooda la mariyo Golaha si aanay u noqon kuwo u nugul Madaxwaynaha. Halka Xafiiska Madaxtooyadu ku dooday in marka uu doono uu magacaabi karo marka uu doonona eriyo karo – waa sida xaalku hadda yahay e marka laga reebo Gudoomiyaha.
Muran iyo is qabsi ka dhex dhacay Madaxwaynaha iyo Golaha Wakiiladda ayaa keenay in laba xeer soo wada baxaan oo labaduba yihiin Xeerka Nidaamka Garsoorka Xeer Lr. 24/2003. Midkood waa 60 qodob midna waa 49 qodob. Labadaba waxa ku dhegan digreeto madaxwayne iyo ansixin gole. Ka 60 qodob ah waxa faafiyay Golaha Wakiiladda, ka 49 kana waxa faafiyay Madaxwaynaha.
Ka hor 2008, Somaliland waxa lagaga dhaqmi jiray Xeerka Nidaamka Garsoorka ee Somalia (1962, No.3).
Sanadkii 2020 waxa labada gole ee Baarlamaanku ay ansixiyeen Wax-Ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Garsoorka, Xeer Lr.24/2020. Ujeedadu waxa ay ahayd in xeerarka is-barbar socda la mideeyo.
Madaxwaynuhu waxa uu ku soo saaray Wareegto Madaxweyne dhaqangalka Xeerka taariikhdu markii ay ahayd 24/03/2020 (Sum: JSL/XM/WM/222-492/032020) islamarkaana waxa lagu soo saaray Faafinta Rasmiga ah.
Taariikhdu markii ay ahayd 27/08/2020 Maxkamadda Dastuuriga ahi waxa ay laashay Xeerkii Baarlamaanku ansixiyay ee Madaxwaynuhu saxeexay kadbi markii ay codsi u soo gudbiyeen gudoomiyayaasha maxkamadaha rafcaanka ee dalka.
Wax ay sidoo kale qaraarisay in xeerkii hore lagu dhaqmayo inta xeer cusub laga soo saarayo. Ma caddayn Maxkamaddu ka uu yahay xeerkaasi labada xeer ee hore u faafay (ka 49 qodob iyo ka 60 qodob).
Taariikhdu markii ay ahayd 31/08/2020, shirgudoonka labada gole ee Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiiladdu) waxa ay si wada jir ah u soo saareen qoraal jawaab ah oo ay ku tilmaameen in qaraarka Maxkamaddu yahay sharci darro oo aanay jirin dacwad u timi ee ay iyadu dacwoode iyo garsoore isku meteshay, waa sida ay hadalka u dhigeene.
Waxa ay soo jeediyeen inay la noqoto qaraarkeeda oo xeerku ansax ku yahay sidii ay u ansixiyeen.
War danbe meelna kama soo bixin ogaalkay.
Hadaba, xeerka nidaamka garsoorka ee dhaqangalka ahi waa kee? Ma kii 2008 la ansixiyay ee 49 qodob ah baa? Ma kii 2008 la ansixiyay ee 60 ka qodob ah baa? Ma kii 2020 la ansixiyay ee ay isku qabsadeen Maxkamadda iyo Baarlamaanku baa? Ma kii 1962 ee sida ku meel gaadhka ah loogu dhaqmi jiray baa?
Hadda faham oo xeerka nidaamka garsoorku waa ka tilmaama awoodda iyo habraaca u dejisan Maxkamadda Dastuuriga ah, nooca dacwadaha ay qaadi karto, habka ay u mari karto iyo waxyaabaha khuseeya oo dhan./W/Q:0-Guuleed Dafac

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here