Madaxweyne Mustafe Cagjar Oo Xilal Cusub U magacaabey Degmadda Gashaamo Ee Itoobiya

0
753

Hargeysa,(baraarugnews.net)-Madaxweynaha dawlad-deegaanka ismaamulka Itoobiya Mustafe Cagjar,ayaa masuuliyiin cusub u magacaabey Degmadda Gashaamo ee dawlad-deegaanka Ismaamulka Soomaaliya ee Itoobiya magacyadda masuuliyiinta loo magacaabey degmada Gashaamo halkan ka akhri hoose. 1.Sayid Cali Maxamed Saleebaan madaxa xafiiska nabadgelyada Degmadda Gashaamo. 2.Sayid Haruun Aadan Madaxa xafiiska maleeshiyadka Degmadda Gashaamo.3. Dr. Cabdixaafid Ismaaciil Maxamed (Caarshe),madaxa xafiiska Xoolaha Degmadda Gashaamo. 4.Gulleed Axmed Sheekh Ismaaciil madaxa xafiiska degmadda Gashaamo.Madaxweyne Mustafe Cagjar,ayaa tan iyo intii uu la wareegay jagada kursiga madaxweynaha dawlad-deegaanka ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya,ayaa wuxuu kor u qaadey dhalinyaradda aqoon yahanka ah ee ka soo baxay jaamacadaha,isagoo xilal badan u magacaabey dhalinyaro badan oo isugu jira rag iyo haween ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here