Maraykanka Waxa Sharaf u Ah Innuu Noqdo Dalka Ugu Horeeya Ee Somaliland U Aqoonsada Dal Madax-banaan. Soomaali….” Jim Risch

0
397

Maraykanka,(Baraarugnews.net)-Aqalka Guurtida ee dalka Maraykan iyo madaxa ugu sareeya ha’yadda Heritage, ayaa ka hadlay aqoonsiga Ictiraaf in Somaliland ka hesho dawladda Maraykanka.
Xildhibaanka wayn ee ka tirsan Aqalka Guurtida ee dalka Maraykanka Mudane Jim Risch, xubina ka ah Guddida Xidhiidhka Arimaha Dibedda ee Aqalkaasi oo ka hadlay kulamadii Madaxweyne Muuse Biixi ayaa yidhi sidan.
“kulamadii uu Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi wiiggan la yeeshay madaxda Maraykanka, waxay markhaati ka yahay xidhiidhka murugsan ee Maraykanku la leenahay Geeska Afrika. Sidaasi oo ay tahay, waa in aynaan ku koobnaan siyaasadda ku dhisan Soomaali mid ah. Maamulka Maraykanku waa inuu xidhiidh la sameeyo dhinacyada kala duwan ee gobolka ka jira”.ayuu bartiisa Tiwiitarkiisa ku baahiyey qoraalkan uu kaga hadlay qadiyada siyaasada maamulada Soomaalida oo bogiisa Twitter-ka aanu ka soo xiganay.
Dhanka kale, “Maraykanka waxa sharaf u ah inuu noqdo dalka ugu horeeya ee Somaliland u aqoonsada dal madax-banaan.”Sidaa isna waxa yidhi Guddoomiyaha maxadka Heritage Foundation Kevin Roberts oo ka hadlay madal munaasibad uu khudbad ka jeedinayey madaxweynaha SomalilandMuuse Biixi cabdi.
Iimeelada Xafiiska Guud ee baraarugnews@gmail.com or caarshe7@hotmail.com