Madaxweyne Muuse Biixi Oo Waagu Ugu Beryey Meel Cidla Ciirsi La’a Ah

0
387

FAALLADA #Hayaannews
Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa warar aanu ka soo xiganey ilo u dhuun daloola Madaxtooyada Somaliland tibaaxeen in aanu habeenkii labo indhood isu keenin ciil iyo murugo tan iyo intii kadanbeysey markii dhawaan shirweynihii Xisbiga Wadani lagu doortey Gudoomiyaha cusub ee xisbiga Xirsi Xaaji Cali.kaas oo uu hore uga dhexeyey xifaaltan siyaasadeed.
Madaxweynaha Somaliland ahna Musharaxa Madaxweyne xisbiga Xaakimka Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo hal sano keliya ka hadhsan tahay muddo xileedkiisii shanta sanadood ahaa ayaa iminka dad badani u arkaan inuu yahay hogaamiye ku godoonsan qasriga Madaxtooyadda iyo xafiiskiisa,islamarkaana ay aad u yartahay rajada uu ka qabin in mar labaad loo doorto inuu sii hogaamiyo Somaliland,kadib markii uu ku caasiyoobey saaxiibadiisii dhiiga u soo shubey markii uu tamarta darnee ee naf iyo maal wixii ay hayeen dul dhigey wakhtigii uu ku jirey kaanbeynkiisa,kuwaas oo halkii ay ka eegayeen inuu ugu abaal gudo maskabyo waaweyn uu ka dalacdey daaqadaha kadib markii dabada ku hubsadey kursiga Madaxweynaha oo ah xilka u sareeya Jamhuuriyadda.
Somaliland.haseyeeshee,waxa la rumeysan yahay in aanu ka faa’idin wax khayr ah oo aan ahayn cidlada uu maanta fadhiyo..Xabaal iyo Ninkeed loo kala teg.
Muuse wuxuu u muuqda mid waagu ugu beryey isaga oo jiifa meel cidla ah oo ka heleyn garab iyo gaashan midna
Abwaan Ismaaciil Mire ayaa isaga oo suugaan ku cabiraya dhaxalka kibirka wuxuu tiriyey gabaygii caanka ka noqdey geyiga Soomaalidu degto.RAGGOOW KIBIRKA “WAA LAGU JABAA EE KAA HA LA OGAADO.”
Dhinaca kale, waxaa si isu soo tareya wararka sheegaya in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,iminka u gacan haadeyey Siyaasiyiin hore uga tirsanaan jirey xisbiga Kulmiye,balse, ka cararey kadib markii ay u adkeysan waayeen habdhaqanka bahdilka ah ee Muuse Biixi,waxaana sababta xilligan ku keliftey inuu u baaqo siyaasiyiinta ku keliftay kadib markii uu arkey sida xawliga ah ee loogu qulqulayo xisbiga Wadani.kaas oo hantey kalsoonida ummadda reer Somaliland, isla markkana loo saadaalinayo inuu ku guuleysan doono doorashada Madaxtooyada Somaliland ee la filayo horaanta 2022 inay ka qabsoonto dalka SL.maadama ay adag tahay in Dib loo soo nooleeyo kalsoonidii dhimatey ee xisbiga Kulmiye iyo in dib loo ladqabeeyo Siyaasiiyintii ka xidhiidhka furetey xisbiga Kulmiye.#www.Hayaannews.net
Abwaan Saahid Qamaan oo Maanso ku dhaliilaya habdhaqanka dadka isla weynka ah, ,ayaa isaga oo aaminsan fikir ah in raggu siman yahay oo nina nin wax dheereyn,weliba haddii laga tegi waayo sheegashada laandheere uu isagu ragga ugu laandheereysan yahay waxa uu meerisyadan ku yiri
“Masoow Aabahay iyo waxaan Magan ka soo gaadhey,
Rag waxaan ku maamuli aqaan ama ku maamuusi,
Maso inaanu nahay oo tolnimo meerto noo tahaye.
Masalaha Ninkaan ii dhigeyn midig ma saaraayo,
Ninkii aniga iga maarmi kara uma muraad yeesho”
Xigasho shabakada Hayaannews
Mustafe_Janaale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here