Madaxweyne Muuse Biixi Oo Doonaaya Innuu Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka ka dhigo Wiil Madaxweynihii AXMED Siilaanyo Sodog Yahay &Dhagarta Iyo Khatarta Ku Qarsoon Muuse Xassan Iyo Xisbiyada mucaaridka Ee UCID Iyo Waddani

0
420

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,ayaa doonaaya innuu Guddoomiyaha Cusub ee komishanka doorashadda Madaxtooyadda innuu ka dhigo Muuse Xassan Yusuuf oo qaba inan uu dhalay Madaxweynihii hore ee Axmed Siilaanyo oo sodog u ah Muuse Xasan.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in Guddoomiyaha aqalka Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka dalbaday innuu magacaabo nin magaciisa lagu sheegay Ubaxle,laakiin Muuse Biixi ka diiday Guddoomiyaha Guurtida.Iyadoo la sheegay in Muuse Biixi ku yidhi Guddoomiyaha aqalka Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan hore waxaan ka aq-balay Guddoomiyihii xilka iska casilay Cabdirashiid Riyo-raac, oo gaar ahaan ka soo jeeday beesha Guddoomiyaha guurtida,waadna ogayd innuu dhagaha ka furaystay go’aanadii aan siinayey xilligii doorashadii isku sidkanayd ee Golayeyaasha Dawladaha hoose iyo Golaha wakiilada Somaliland, markaa maanta aniga ayaa xulanaaya ee iskala laabo cidda aad wadato ayuu Muuse Biixi ku yidhi Guddoomiye Saleebaan.
Sidoo kale,waxa la sheegay in khilaaf soo kala dhex-galay Guddoomiyaha galka guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Madaxweyne Muuse Biixi cabdi.Balse ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo u dhuun daloola xafiiska madaxweyne Muuse Biixi ayaa u xaqiijiyey shabakada Baraarugnews.net in Muuse Biixi qorshaynayo,siddii Guddoomiyeaha koomishanka doorashooyinka Somaliland, looga dhigi lahaa wiilka uu sodoga u yahay madaxweynihii hore ee xilka ka degay Axmed Siilaanyo.Balse Muuse Xasan Yuusuf oo beel ahaan ka soo jeeday reer Axmed Siilaanyo Aadan Madoobe intii aanu guursan inanta uu dhalay Axmed Siilaanyo waxa gabadhisii hore ka furay marwadii Axmed Siilaanyo Aamina Waris iyo wasiirkii maaliyada ee hore Samsam cabdi Aada, isla markaana haddii madaxweyne Muuse Biixi ku guulaysto innuu Guddoomiyaha komishanka doorashooyinka ka dhigo Muuse Xasan waxa dhici-karta in xukuumadda Muuse Biixi u sahlanaan karto in kushubato doorashada iyo inay maamulato komishanka doorashooyinka,kaasoo Muuse Hasan khatar iyo halis ku yahay xisbiyada mucaaridka ee Waddani iyo UCID.